Wakiilada oo Maanta Mar Kale Kooramku u Buuxsami Waayay
Hargaysa 04.Jan 2015 (SDN/QJ)- Fadhigii Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa weli kooram la’aan u furmi waayay maanta, ka dib markii lagu wadday in la hor-keeno Xeerka Booliska.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ayaa hore Xildhibaanadda digiin u diray, isaga oo ugu baaqay inay ka soo xaadiraan fadhiyadda Goluhu yeesho, hase-yeeshee fadhigii maanta ayaa kooram la’aan u furmi-waayay.
Golaha Wakiiladda ayaa u ballansanaa Ansixinta Xeerka Booliska oo ka soo noqday Madaxweyne Siilaanyo islamarkaana Kaabis iyo waxka bedel lagu sameeyay, waxaana fadhiga soo xaadiray 49 mudane, halka xeerkan ansixintiisu u baahnaa 55 Mudane.
Xildhibaan Cali-bare oo kamid ahaa ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakilada ee diidanaa meel marinta xeerkan, isla-markaana ku dhawaaqayay ereyo ay kamid ahaayeen “Waa in golaha horta soo fadhiistaan 55 mudane sida xeer hoosaadku inooqeexayo ”
Tan iyo markii Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Cirro u ambabaxay dalka Jabuuti todobaadkii hore haatana u sii dhaafay Dubai ayaan Goluhu qaban wax hawl ah. Waxaana maalmihii u dambeeyay la baafiyay 21 mudane oo oo aan ka soo xaadirin fadhiyadda Golaha Wakiiladdu yeesho.