|

Wakhtigii Rasmiga ahaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta ku Eg iyo Muddo-kordhin Lagu Muransan yahay Oo Bilaabantay

Hargeysa:Jully,27,2015(SDN/QJ)-Shan sano kahor maanta oo kale waxa Hoggaanka Dalka loo dhaariyey madaxweyne Axmed  Maxamed Maxamuud(siilaanyo), waxana xukuumaddiisu maanta wixii ka dambeeya geli doontaa Muddo-kordhin 22-bilood ah, taas oo  ay Golaha Guurtidu u sameeyeen inkastoo Mucaaridku aanu aqoonsan.

?????????????????????????????????????????????????????????????????Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo mucaaradad xooggan  wajahaysa, ayaa ku guuldarraysatay  inay dalka doorasho ka hirgeliso, iyadoo ilaa xilliganna ay qabyo badani ku jirto inta badan xeerarkii suurtogelin lahaa in doorashooyin la qabto.

Iyadoo xilligan lagu jiro  wakhti dalku xaalad cusub madaxa la galay, haddana madaxweyne Siilaanyo hadal kooban oo uu maalintii shalay jeediyey waxa uu eedda dibu dhaca doorashada dusha u saaray dhinaca Guddoomiyaha Wakiillada oo uu sheegay inuu xeerarkii loo baahnaa ku fadhiyo, isagoo sidoo kalena safar ugu baxay gobollada Bari ee dalka.

Mucaaridka oo iyaga laftoodu maalmahan ku jirey shirweyne gaar u ahaa oo ay xaaladda dalka ku dersayeen ayaan wali wax go’aamo ah soo saain, waxana ay tilmaameen inay Go’aamadooda xaflad weyn u qaban doonaan.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa noqonaysa Xukuumaddii labaad ee ku guuladdaraysata inay dalka doorasho xilligeedii ku qabsoonta gaadhsiisa, waxana ay lamid noqotay xukuumaddii uu hoggaamin jirey Madaxweyne Daahir Rayaale  kaahin oo Xisbiga Kulmiye u si weyn ugu dhaliili jirey inay Doorashooyinka ka cago jiiddo.

Khilaafka ka taagan mudd-kordhinta Wakhtiga dheer ah ee xukuumadda loo sameeyey, ayaa isaga laftiisu meel sare gaadhay, waxana guuldarro ku dhammaaday hirgelinta Heshiis xukuumaddu muddo-kordhinteeda kusoo gaabinaysay oo ay la gashay mucaaridka, kaas fulintiisu xukuumadda ku adkaatay.

Xiisihii loo qabay madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbigiisa Kulmiye xilligii uu mucaaridka ahaa ayaa si weyn u wiiqmay, tan iyo intii uu xukunka qabtay, waxana dadka siyaasadda falanqeeyaa inta badan sheegaan in hoggaamintii madaxweyne Siilaanyo xagal-daac badan samaysay, iyadoo shakhsiyaad aanay bulshadu dooranini ay xukunka lug weyn ku yeesheen.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed