Wakaalada wararka AFP oo ku warantay in Ciidamo ka socda kuwa amniga ee dalka Israa’iil ay maanta gaadheen caasimadda Kenya ee Nairobi, maxay tahay sababtu?
Nairobi Sept. 22, 2013 (SDN/AFP)- Ciidamo ka socda kuwa amniga ee Israa’iil ayaa Axadda maanta ku biiray dedaalada Kenya ku doonayso inay ku dhamayso qafaalashada dhimashada keentay ee ay weerarayaasha maleeshiyada ahi ku galeen suuqa Westgate ee magaalada Nairobi.
Ilo-wareed amni oo aan la magacaabin ayaa wakaalada wararka Fararnsiiska ee AFP u sheegay in ciidamadan amni ee ka socda dalka Israaiil ay maanta galeen Nairobi, si ay gacan uga geystaan xaalada ka dhalatay weerar koox hubaysani shalay ku galeen suuq wayn oo ku yaala caasimadda Kenya, kuwaasoo ilaa haatan dagaal kaga jira goobtaas.
“Israa’iiliyiintu hadda uun bay soo galeen [goobta], waxayna samata-bixinayaan la-haysteyaasha iyo dhaawaca,” ayuu AFP u sheegay il-wareed ka cudurdaartay in magaciisa la xuso.
Qayb ahaan suuqa weerarku oo ka socdo oo ah mid dadka dhaqaale ahaan dabada sare loogu yeedho [high-class] ay ka dukaamaystaan, waxa qayb ahaan leh Israa’iiliyiin, wuxuuna galaaftay nolosha ugu yaraan 59 qof oo ku dhimatay iyo qiyaastii 200 dhaawac ah, siday masuuliyiinta Kenya sheegeen.
Farogelintani waxay timi 26 saacadood ka dib markii rag hubaysan ay socod ku galeen kaamboolka, isla markaana rasaas fara badan ku fureen dukaamaysayaashii iyo shaqaalaha suuqaas oo lagu magacaabo Westgate, sida warbixintu sheegtay.
Kooxda Al-Qaacida ku xidhan ee Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas.
Qurbejoog.com, Nairobi