|

Wakaalada Korontada Hargeysa oo soo bandhigtay qorshe ay hawsha ku balaadhinayaan

Hargeysa Mar 24,2012(SDN)-Maareeyaha Wakaalada Korontada dawlada ee Magaalada Hargaysa Weli Axmed Xaawo ayaa Maanta ka waramay hawsha balaadhinta Laydhka Caasimada iyo qorshayaal ay ku talo jiraan inay ku horumariyaan.

Maareeyaha Wershada Korontada Caasimada Hargeisa Waxa uu cadeeyey in mudadii ay ka dhigeen in laydhka warshadu uu afar iyo labaatankii saacadoodba shaqeeyo uu wax badan hoos u dhigay cabashadii uga imanaysay qaybaha bulshada .

Maareeyaha warshadda laydhka waxa uu sidan ka sheegan mar uu Maanta u waramayay Wakaalada Wararka ee Solna waxaanu xusay in hirgelinta talaabadani ay ka danbaysay dadaal iyo Karti badan oo ay u hureen hawl wadeenada kala duwan ee ka shaqeeya Warshada Laydhka dawlada .

Maareeyaha Warshada korontada ee Dawladu Mr Wali Axmed Xaawo waxaa kale oo uu sheegay in aanay jirin wax Mishiino cusub oo ku soo kordhay Mudadii koobnayd ee uu xilkeeda hayay hasa yeeshee waxa uu intaas ku daray inay dayactir ku sameeyeen lix Mishiin oo hore u shaqaynayay oo cusub .

Mar uu ka hadlayey maareeyuhu Laydhka ama Korontada wadanka aynu deriska nahay ee Ethiopia oo la sheegay in Somaliland la soo gaadhsiiyo ayaa tilmaamay qandaraas hawshan ku lug leh ay qaateen shirkad gaar loo leeyahay .

Weli Axmed Xaawo waxaa kale oo uu xusay inay u qorshaysan tahay in Xadhkaha Laydhka Dhulka hoostiisa la mariyo maadaama ay qayb ka yihiin waxyaabaha bilicda caasimada kharibaya waxaanu ka codsaday Maamulka Dawlada Hoose inay Wershada Laydhka ee dawlada u qoondeeyaan dhul u gaar ah si Laydhkeedu u wada gaadho guud ahaan magaalada.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed