|

Waji-ku-macaashkii Daahir Rayaale Ku Jabay Oo ay Markale ay Miciinsatay Xukuumadda Siilaanyo iyo Suuqa Dadka Xirfaddaas Yaqaanna Oo Xaammi ah

Hargeysa:June,02,2014(SDN/QJ)-Tan iyo Intii khilaafka Kulmiye Dalka ka Bilaabmay, waxa si weyn looga Dareemayaa Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland Nidaam aan  muddooyinkii dambbe la arag oo Waji-ku-macaash la yidhaadho kaas oo ay caan ku ahayd xukuumaddii Kulmiye ka horraysay ee Udub.

waji ku maaNidaamkana ayey Udub Bilowday markii ay sii dhacaysay ee ay shacabkii iska soo taageen, waxana ay ku samaysan jirtey shacab indho-sarcaad ah  iyadoo isticmaalaysa Lacagta iyo khayraadka Dadka, waxana Shaashadaha la keeni jirey Odayaal, Carruur, Haween iyo qaybo kale oo sheegaya inay taageero u yihiin madaxweynaha iyo xisbiga Talada Haya.

Haatan waxa Hadheeyey Warbaahinta Dawladda iyo kuwa ku dhawba Dhawaaqyo laga keenayo dad u badan wax-ma-garato oo sheegaya inay Taageerayaal u yihiin madaxweynaha iyo Garabkiisa, kaas oo looga dan leeyahay in lagu abuuro Jawi dad samee ah oo lagu sheegayo inay shacabku wali taageersan yihiin musharraxnimada Madaxweynaha ee Muranka dhalisay.

 

Toddobaadkan ugu dambeeyey warbaahinta dawladda aya qaadaa-dhigaysay oo baahinaysay warar isku mid ah oo lagu sheegayo in shacabka qaybihiisa kala duwani taageersan yihiin musharraxnimada madaxweynaha, iyagoo waliba dhaliilo u soo jeedinaya Guddoomiye Muuse Biixi oo ay haatan isku Hayaan jagadaas.

 

Dedaallada xukuumaddu ku bilowday  dagaalka waji-ku-macaashka oo muddo dheer aan la arkin, ayaa lagu xasuustay wakhtiyadii jabkii Udub.

 

Waji-ku-macaashka ayaa haatan qiimo weyn ka jooga Somaliland, waxana la wadaa dedaalo lagu dhagdhaqaajinayo Qaybaha shacabka ku kala noolo meelo kala duwan oo dalka ah, taas oo  dadka iyadoo lacago loogu ballan qaadayo loo sheegayo inay ku dhawaaqaan Taageerada Madaxweynaha iyo Waliba Wax-ka-sheegidda Muuse Biixi cabdi.

 

Magaalada Hargeysa Gudaheeda ayuu dagaalkaasi haatan socdaa, waxana Maalintii shalay Taageerada Madaxweynaha Garoonka Hargeysa Stadium kaga Dhawaaqay dad dhallinyaro u badan oo sheegayey inay Si weyn ula dhacsan yihiin inuu madaxweyne Siilaanyo markale soo Nosqo.

 

Tallaabooyinkan dadka sida khasabka ah loogu abaabulayo inay ku dhawaaqaan Taageero ay u hayaan madaxweynaha, ayaa shacanka soo xasuusinaysa isku dayadii fashilmay ee Xukuumaddii Daahir Rayaale ku doonaysay inay talada Dalka ku sii Haysato balse Xilligii Codka Noqday Hal Bacaad Lagu Lisay.

 

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed