Wajeer oo Khasaare Maaliyadeed Ka Dhaxashay Heshiiskii Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay Wada Gaadheen
Wajeer 12. April 2017 (SDN/QJ):- Maamulka Garoonka Diyaaradaha magaalada Wajeer ayaa shaaca ka qaaday in khasaaro maaliyadeed ay kala kulmeen heshiiskii ay dhawaan magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Heshiiska ay Wada gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ayaa waxaa kamid ahaa in diyaaradaha ka baxa garoonka Diyaaradaha Muqdisho aysan sii marin Garoonka Wajeer si toos ahna uga degaan magaalada Nairobi.
Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in khasaaro maaliyadeed kala kulmeen Heshiiskii Diyaaradaha Muqdisho ka imaan jiray looga weeciyay garoonka Diyaaradaha Wajeer.
Charles Kiong ayaa sheegay in Labo Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doollarka Mareykanka ah ay khasaareen waxii ka dambeeyay markii la saxiixay Heshiiskii ay wada gaareen Soomaaliya iyo Kenya.
Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer ayaa xusay in lacago ay ka qaadi jireen Diyaaradaha kasoo dega Garoonka Diyaaradaha Wajeer kuna sii jeeday magaalada Nairobi, waxa uuna tilmaamay in hada meesha ka baxday lacagihii ay soo gali jiray.
Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku heshiiyay in la joojiyo Diyaaradaha ka duula Magaalada Muqdisho in ay sii maraan garoonka Diyaaradaha magaalada Wajeer, waxaana bilowday duulimaad toos ah oo Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ku tagayaan magaalada Nairobi.