|

Waftigii Hoggaanka Kulmiye Hoggaaminayey Oo Maanta Hargeysa Kusoo Laabtay

Hargeysa:April,16,2015(SDN/QJ)-Waftigii uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta kusoo guryo noqday Caasimadda Hargeysa, waxana Halkaas kusoo dhaweeyey Taageerayaal iyo masuuliyiin kale oo Xisbiga kamid ah.

dharecWaftigan oo safarro muddo gaaban qaatay ugu  maqnaa Gobollada Bariga Dalka, ayaa soo dhaweyntooda laga dareemay  Caasimadda Hargeysa, waxana Taageerayaasha Kulmiye kaga hortageen Dhinaca Bari ee Magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye oo la Hadlay Dadkii Soo dhaweyntooda ka qaybgalay, ayaa mahadnaq weyn ujeediyey Taageerayaasha, waxana ay ka warrameen Xaaladda Guud ee Deegaanadii ay soo mareen.

Hoggaanka Kulmiye, waxa ay Taageerayaashooda u sheegeen inay isa soo arkeen Taageerasha kale ee Gobolada iyo Degmooyinka waddanka ku noo, isla-markaana ay faahfaahin ka siiyeen Ambo-qaadka Barnaamijku Kulmiye Ololaha ku galay iyo hirgelinta wixii aan wali qabsoomin.

Taageerayaal lulaya Astaamaha Kulmiye iyo Sawirka Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, ayaa Qalib furan ku qaabilay Waftigaas, waxana ay markii dambe Dhamaantood u dhaqaaqeen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa.

Waftigan, ayaa muqnaa Safar qaatay Muddo Toddobaadyo ah, waxana ay  xusid mudan inay Booqasho ugu tageen Ciidamda Jiidda Gambadha fadhiya, iyagoo uga xaal-warramay Sida Bulshadu dareenka ugu hayso Difaaca  iyo daryeelka Shacabkooda ay ugu maqan yihiin.

 

SDN.QJ

timo@qurebejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed