Wafti ka socda hay’adda caafimaadka adduunka oo gaadhay Kismaayo
Kismaayo 10.Sep 2013 (SDN)- Wafdi ka socda hay’adda caafimaadka adduunka ee World Health Organization ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ujeeddada wafdiga ayaa lagu sheegay sidii uu u kormeeri lahaa isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, waxaana xubnaha wafdiga ka mid ah khubarro qaabilsan dhismaha.
Dr. Cabdisamad Xaaji Abuukar oo ka mid ah mas’uuliyiinta isbitaalka ayaa sheegay in muddo toddobaadka soo socda la billaabi doono dayactirka isbitaalka oo burbur iyo dayac ba’an uu ka muuqdo.
Hay’ado dhowr ah ayaa booqday magaalada Kismaayo si ay dib u billaabaan adeegyada gargaarka bini’aadannimo.
Kismaayo SDN.
Qurbejoog.com