|

Wafti Ka Socda Dawlada Itoobiya Oo Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa Iyo Ujeedada Socdaalkoodu Daaran Yahay Oo Xogo Laga Helay

Hargaysa 29. September 2017 (SDN/QJ):- Warar aan helayno kana helayno madaxtooyada Somaliland ayaa waxay sheegayaan in shalay galab ay dalka Somaliland soo gaadheen wafti balaadhan oo ka socda dawlada Itoobiya.

 

Waxaana waftigan ka socda dawlada Itoobiya ee shalay galab dalka soo gaadhay hogaaminaya safiirka dawlada Itoobiya u fadhiya dalka Masar Maxamed Dirir,waxaana sidoo kale ku jira sida xogaha lagu helayo wasiiro ka tirsan xukuumadda dhexe ee Itoobiya.

Waftigan ayaa ujeedada Socdaalkoodu ay salka ku haysaa sida xoguhu qurbejoog kusoo gaadhayaan sidii ay xukuumadda Somaliland ugala hadli lahaayeen dhacdadii dhawaan ka dhacday magaalada Haawaday ee dalka Itoobiya ee ay qoomiyadda Oromadu ku laysay dadka Somalida ah ee badankoodu u dhashay Somaliland iyo waliba sidii ay ugala hadli lahaayeen arrimo khuseeya xidhiidhka labada dal ka dhaxeeya,Xoguhu waxa kale oo ay iftiimiyeen in ujeedada waftigan Itoobiya ka yimi ay daaran tahay sidii ay uga wada hadli lahaayeen eedaymo ay dhawaan wasiirka warfaafinta Itoobiya usoo jeediyey Somaliland oo uu ku eedeeyey inay sifo sharci daro ah dalkeeda uga saartay in ka badan 3 kun oo qof oo kasoo jeeda qoomiyadda Oromada.

Waftigan ayaa la filayaa in muddo laba cisho ah ku sugnaadan magaalada Hargeysa,labada dhinacna ay ka wada hadlaan arrimo door ah oo dhexdooda yaala.

Comments are closed