|

Wafti Ka Socda Dalka Somaliya Oo Madaarka Cigaal Lagu Soo Dhaweeyey iyo Nuxurka Safarkoodu daaran yahay SAWIRO

Hargaysa 03.April 2016 (SDN/QJ):-Waxaa maanta  garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa lagu soo dhaweeyey wafti ka soo kicitimay caasimada dalka Somaliya ee Moqdisho isla markaana deeq caawimo ah u sidey  dadku abaaruhu saameeyen ee Somaliland

4-2Waftigan ayaa waxaa garoonka diyaardaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyey isla markaana kaga hortagey gudida abaaraa Somaliland oo uu hor kacaayo wasiirka wasaarada Diinta iyo awqaafka Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

1-2Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadley waftigana  ku soo dhaweeyey wasiirka wasaarada diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed waxaana uu yidhi “Waftigan ka yimid dalka Somaliya ee deeqda u sida dadkeenu abaaruhu sameyeen waa dareen walaltinimo oo runtii halkan mahad balaadhan uga jeedineyno , waa walaalaheen oo inoo soo gurmadey isla markaana u adkeysan waayey muuqaalada ka soo baxay warbaahinta kala duwan.

15Runtii waa jawaab deg deg ah oo aad u qiimo badan waxaana maanta aanu halkan ku soo dhaweenaynaa dareen ka yimid guud ahaan dawlada iyo shacbiga rer Somaliya ” ayuu yidhi wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

14 (1)Dhinaciisa waxaa isna  ka hadley oo waftigan hogaaaminaayey gudoomiyaha beelaha Hawiye ee dalka Somaliya Maxamed Xassan Xaad waxaana u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu yimaado dalka Somaliland isla markaana lagu soo dhaweeyo magaalada Hargeysa waxaana uu yidhi “Waad ku mahadsan tahiin  marka hore soo dhaweynta diiran ee aad noo sameyseen anagu waxanu nahay sida aad la socotaan wafti saaka ka soo kacitimay dalka Somaliya oo isagu jira ururada bulshada qeybaheeda kala duwan , hogaanka dhaqanka , culmo aw diinka iyo haween  .

13Dareenkayagu waxaa uu ahaa in aanu idin soo gaadhno waan ka tacsiyadeenaynaa in aanu idinka soo daahnay lakiin hadna waanu nimid  socodkana ma noqon doono kii ugu horeeyey balse waa mid dhiig joojin ah , waxaana aanu diyaar u nahay in aanu idinla qeyb sano xanuunka abaaraha idin haysta allehna waxaan ka baryaaya in uu inaga soo gaadho abaaraha  ” ayuu yidhi gudoomiyaha beelaha Hawiye Maxamed Xassan Xaad oo waftigan hogaaminaayey.

Comments are closed