|

Wafdi uu hoggaaminayo Sheekh Shariif oo lagu so dhaweeyay Garoowe

Garoowe Dec 19,2011(qurbejoog.com) Wafdi oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowladda KMG Somaaliya ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal.

Wafdigaani oo uu hoggaaminayo Maxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaareen Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Madax badan oo ka tirsan Puntland.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Warbaahinta  hadal kooban kusiiyay Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ka qeyb qaato shirka wadatashiga ah wajigiisa labaad ee Magaalada Garoowe, isagoo tilmaamay in cid waliba looga baahanyahay ka shaqaynta qaranimada Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in aammaanka Magaalada Garoowe si aad ah loo adkeeyay islamarkaana Ciidamada ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan wax waliba oo carqalad ku ah shirka wadatashiag ah ee Qaramada Midoobay ay soo qaban qaabisay.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud (Faroole) oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in wax lagu farxo ay tahay imaatinka Madaxweynaha ee ku aadan ka qeyb galka shirka wada tashiga ah ee QM, wuxuuna tilmaamay in Magaalada ay si dar dar leh ay usoo gaarayaan Ergadii ka qeyb galaysay shirkaasi.

Ugu dambeyn ayaa waxa la filayaa in Magaalada Garoowe ay isugu tagaan guud ahaan  Madaxdii loo egmaday inay ka qeyb galaan shirkaasi, iyadoo ilaa iyo iminka aan  la’ogayn qaabka birri uu ku furmi doono shirkaasi.

 

Qurbejoog-Garoowe

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed