Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo u anbabaxay Magaalada Kismaayo
Muqdisho March 24 2013 (SDN)— Wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
Wafdigaan Wasiirada ah ee maanta u ambabaxay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya.Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka wafdigaan Wasiirada ah ee maanta u ambabaxay Magaalada Kismaayo ayaa hadana shalay magaaldaasi waxaa gaaray Guddoomiyaha maamulka KMG ee Magaalada Kismaayo iyo sidoo kale wafdi uu hogaaminayo oo ka yimid Magaalada Nairobi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Wafdigan uu hor u dhec u yahay Booqasho laga yaabo in halkaasi uu ku tago Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/faarax Shirdoon Saacid.
Shalay Magaalada Kismaayo waxaa gaaray Sheekh Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan maamulka KMG iyadoo maalmahan warar la isla dhexmaraye ay sheegayaan in shirka maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo lagu wareejinayo Dowladda Soomaaliya.
SDN-Muqdisho