|

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Masar oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Muqdisho March 10 2013 (SDN)— Waxaa goordhaweyd Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kasoo dagtay diyaarad uu la socdo Wasiirka arimaha dibada dalka Masar oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay Wasiirka arimaha dibada dalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhiga dalka Soomaaliya.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada dalka Masar ayaa iminka waxa uu kulan uga socdaa Garoonka Muqdisho Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya iyo Wasiirka Gaashaandhiga.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo kala duwan la qaato Wasiirka arimaha dibada dalka Masar ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Waa markii ugu horeysay oo wafdi heer wasiir ah oo ka socda Dowladda Masar ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho.

Labada Dowladdood ee Masar iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan taasi oo keentay in wafdigaan uu maanta Magaalada Muqdisho soo booqdo.

SDN-Muqdisho

Comments are closed