|

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Jowhar 4-sano kaddib

Jowhar March 12 2013 (SDN)— Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee Xarunta gobolka Sh/dhexe halkaasi oo ay kula kulmeen Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada.

 Wafdigani oo ka koobnaa sida la sheegay 5-xubnood oo ka socday Qaramada Midoobay ayaa dhanka dhulka uga Ambabaxay Magaalada Muqdisho waxaana ay gaareen Magaalada Jowhar.

Wafdiga markii ay gaareen Jowhar waxaa ku soo dhaweeyay guddomiyaha gobolka Sh/dhexe ee dowladda Soomaaliya iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulka degmada Jowhar.

Ugu horeyn wafdiga ayaa kulan laqaatay guddoomiye Cabdi Jiinow Calasoow kaasi oo ay kawada hadleen arrimaha gobolka iyo xaaladihiisa Amaan tan iyo markii ay lawareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Kulanka kaddib ayaa wafdigan waxa ay booqdeen Garoonka Diyaaradaha degmada Jowhar kaasi oo hada dayactir uu ku soconayo.

SDN-Jowhar 

Comments are closed