|

Wafdi ka Socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray Magaalada Baladweyne, Hiiraan (Sawirro)

Baladweyne March 23 2013 (SDN)— Wafdi la sheegay in uu ka socdo Qaramada Midoobay ayaa manta gaaray magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay kulamo kula qaateen Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda.

Hay’adahaani oo qeybo badan isugu jira ayaa waxaa ka mid ah WFP waxaana ujeedkooda lagu sheegay in ay dib u eegis ku sameeyaan xaalaadda dadka ku nool magaalada Baledweyne.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo Madaxda Hay’adaha ayaa waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ka mid ah wax ka qabashada nolosha dadka gaar ahaan dhinaca caafimaad.

Dhinaca kale Wafdi ka socday Qaramada Midoobay ayaa tagay manta magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo Maamulka Galmudug kala hadlay horumarinta iyo amaanka.

SDN-Baladweyne

Comments are closed