Wafdi ka socda Midowga Yurub oo Garoowe kula kulmay Madaxweyne Faroole
Garoowe Feb 20 2013 (SDN)— Warsaxaafadeed— Iyadoo ay qayb ka tahay qaban qaabooyinka Puntland ee doorashooyinka soo socda ee dowladaha hoose ee ku qorshaysan bisha May 2013, ayaa Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoraadiyeynta – oo ah koox ah toddoba deeq-bixiyayaal (Midowga Yurub, USAID, Denmark, DFID, Norway, Sweden iyo Switzerland) – wuxuu manta qaban-qaabiyey wafdi booqday Garowe si uu ula kulmo saraakiisha dowlada Puntland, Gudiga Doorashooyin Ku Meel Gaarka ah ee Puntland iyo shurakada kale sida ururada bulshada.
Wafdigu waxay muujiyeyen sida bulshada caalamka ugu go’ an tahay la-fal gelidda hanaanka dimuqoradiyenta Puntland iyo sida ay u soo dhaweynayaan horumarka la gaaray ilaa hadda oo la furay xisbiyo siyaasadeed ayadoo ay soo gudbeen lix Urur siyaasadee. Gudiga Haga Barnaamijka Dimoqoradiyenta wuxuu rajaynayaa sii balaarinta Ururada siyaasadeed usbuucayada soo socda ayadoo ururada siyaasadeed ay bilaabayaan xulashada musharaxiintooda una dhaqaaqayaan marxaladda ololaha iyo iyadoo ururada bulshada ee Puntland iyo warbaahintaba sare u qaadayaan daalada ku aadan wax-bariida daweynaha iyo wacyi gelinta cod-bixiyaha.
Inti lala shiraayey saraakiisha Puntland, kooxda ka socotay Gudiga Haga Barnaamijka Dimuqoraadiyenta waxay mar kale adkeeyeen in deeq-bixiyayaash ay si buuxda ugu howlan yihiin taagyeeridda dooroshooyinka ugu horeyey ee ebed ka dhaca Puntland taasoo ay dadka reer Puntland ku dooran doonaa hogaamiyayaashooda degaan iyo barlamaanba. Kooxdu waxay ka hadashay sida ugu haboon ee ay Puntland ku horumarin karto hanaanka doorashooyinka iyadoo la xaqiininaayo lahaansh buuxda iyo is-wedi waqtiga fog ah.
Ugu dambaytii, Kooxda Gudiga waxay ka hadleen habka maamulku ku xaqiijinaayo in dooroshooyinka soo socda ku dhacaan jawi nabad iyo xuriyad ah oo ay ku jirto qorsha nabadeed lana ogolaado xuriyad ay helaan waxbaahinta maxada banan, mucaaradad iyo banaan-baxyo nabadeed kuwaasoo unugyo assaasi ka ah dadaalka dimuqoradeynta xaqa ah.
Kooxda Gudiga iyo shurakadooda waxay diyaar u yihiin in ay sii caawiyaan dowlada Puntland iyo shurakada Puntland si loo horumarin lahaa hanaan dimuqoraadi ah oo xaq ah kaasoo u noqon karo tusaale gobolada kale ee Jumhuuridda Federal Soomaaliya.
Dhamaad
Su’aalaha in badan lays weydiiyo
1. Waa maxay DSC?
The Democratization Programme Steering Committee (DSC) waa koox todoba deeq-bixiyaal (Midowga Yurub, USAID, Denmark, DFID, Norway, Sweden iyo Switzerland) taasoo ay hadda la-gudoomoyayaal ka yihiin Midowga Yurub (EU) iyo dowladda Maraykanka (USA). Wafdiga manta waxaa hogaaminaayey Ergiga Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Soomaaliya Michele Cervone d’Urso.
2. waa maxay waajibka DSC?
DSC waxay kormeertaa oo ay kor-kala socotaa howlaha socda ee dimuqoraadiyenta ee Soomaaliya iyadoo gacan farsamo iyo mid maaliyedeedba u fidineyso haya’daha madaxa banana ee u xil-saaran qaban qaabada howlaha doorashooyinka sida NEC ee Soomaliland iyo TPEC ee Puntland.
END
Magali Uytterhaeghe Press and Information Officer
Delegation of the European Union in Kenya
Somalia Unit P.O. Box 45119 00100
Nairobi Tel: +254.20.280.25.25 Fax: +254.20.271.09.97
Cell: +254.717.10.44.14 Email: Magali.UYTTERHAEGHE@ext.eeas.europa.eu Website: http://www.eu-somalia-unit.eu