Wadooyinka Caasimada qaarkood oo weli u xidhan geedihii uu so ridey roobkii dabeysha watay ee Todobaadkan da’ay & Doorkii D.H.H oo aan muuqan Iyo Magacyada 11 School oo uu Jiingadii ka qaaday
Hargaysa 17.June 2016 (SDN/QJ):-Qaar kamida wadooyinka dhex mara xaafadaha magaalada Hargeysa ayaa xidhan kadib markii uu roob dabeylo wata maalintii isniinta ee Todobaadkan soo ridey Geedo badan oo ku yaal magaalada.
Geedaha dabeysha roobku soo ridey waxaa ay dhex yaalaan wadooyinkii ay mari lahaayeen Gaadiidka iyo dadku, arrintaasi oo keentay in wadooyinkii furnaa ay gaadiidkii wada maraan islamarkaana mashquul badani ka dhaco wadooyinka halbawlaha ee magaalada Dhexmara.
Dawlada hoose ee Hargeysa oo shaqadeedu ahayd inay ka shaqeyso bilicda magaalada iyo nadaafada caasimada ayaan waxba ka qaban geedahaasi wadooyinka xidhay iyo nadaafada caasimada oo xiliyada roobka aad u liidata islamarkaana aan lahayn dooxyo ama laaggo ay biyaha roobku ka baxaan si ay u galaan Dooxyada.
Biyuhu inta badan waxay fadhiistaan wadooyinka iyo xaafadaha dhexdooda taasi oo ay ka dhalan karto xaalad caaafimaad daro.
Dadku waxaa ay inta badan maamulka dawlada Hoose ku dhaliilayaan waxqabad la’aanta iyagoo qaar kood baraha bulshada ku sheegaya in ay iscasilaan maayirka iyo ku xigeenkii maadaama bay dadkaasi leeyihiin ay ku fashilmeen bilicda magaalada xilliyada Roobka.
Dhinaca kale Waxaanu halkan Akhristayaashayada ugu soo gudbinaynaa Magacyada 11-Iskuul oo caan ah oo kuwa dawladu Maamusho u badan oo uu Khasaare soo gaadhsiiyay Roobkii Cuslaa ee Maalin Saddexaadii da’ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa,Kuwaasi oo uu intooda badan uu ka qaaday Jiingada balse aanay wakhtigaasi wax arday ahi ku jirin balse ay fasax kaga maqan yihiin.
Roobkii Dabaysha watay ee ka da’ay Magaaladda Hargeysa ee Dadku ay ku dhinteen ayaa sidoo kale waxa uu khasaare laxaadleh gaadhsiiyay qaarka ka mid ah Dugsiyadii qadiimiga ahaa ee Magaaladda Hargeysa kuyaalay,kuwaasi oo uu gabi ahaanba uu soo gaadhsiiyay Burbur aad u wayn. Waxa ay dugsiyadani ka mid yihiin Dugsiyada laf dhabarta u ah Waxbarashada Somaliland intii ay soo taxnayd,waxa ka mid ah Dugsiyadani,Qaar wax barashada sare bixiya iyo Kuwo hoose dhexe.
Qaar ka mid ah ayuu roobkaasi ka qaaday jiingada,halka uu qaarna Gidaarada dumiyay. Sida ay Wargeyska Foore u xaqiijiyeen Masuuliyiin Wasaaradda Waxbarashada ka tirsani,wakhtiga Khasaaruhu dhacay wax arday ahi kuma jirin oo waxba laguma dhiganayn,sidaa darteed wax dad ah waxyeelo kama soo gaadhin khasaarahaasi.
1- Dugsiga Axmed dhagax
2- Dugsiga Sh. Bashir
3- Dugsiga Alifdoon
4- Dugsiga Axmed Gurey
5- Dugsiga Dayib Gurey
6- Dugsiga Faadumo Biixi
7-Dugsiga Cali Jaamac
8-Dugsiga Guryo-samo
9- Dugsiga Biyo-dhacay
10 – Dugsiga Nile Academy
11-Dugsiga Sh. Cali Ibraahim
Roobkan ayaa ahaa kii ugu Cuslaa ee ka da’a Somaliland intii ay jirtay,waxaana ku nafwaayay oo uu galaaftay dad door ah,halka dadkaasi qaar ka mid ah La waayay Raq iyo ruux meel uu la maray.