|

Waddo-tareenta Xidhiidhisa Dalalka Djibouti Iyo Ethiopia Oo Dhawaan Xadhigga Laga Jari Doono

Djibouti:Aug,27,2015(SDN/QJ)-Waddada Tareenka ee Xidhiidhisa Dalalka Ethiopia iyo Djibouti ayaa xadhigga laga jari doonaa Bilowga sanadka soo socda ee 2016-ka sida uu sheegay Madaxa wadooyinka tareenada ee Itoobiya, iyadoo ay waddadaasna dhisayso Shirkad shiinays ahi.

troXadiidka tareenka oo dhararkiisu dhan yahay 450 mayl ayaa la sheegay in qiimhiisu ku kacayo ilaa 4 bilyan oo doolar. Mashruuca ayaa xuddun u ah kor u qaadida alaabta Itoobiya soo dajisato iyo badeecadaha dalkeeda ka dhoofa.

Dalka Itoobiya ayaa qoondeeyey dhisada wadooyin tareen oo dhararkoodu gaadhayo ilaa 5,000 km kuwaas oo lagu wado in la dhameeyo 2020.

Mareeyaha guud ee shirkada wadooyinka tareenada Itoobiya, Getachew Bertu, ayaa sheegay in uu mashruucu isbadal xoog leh ku sameyn doono dhaqaalaha dalka ee koraya.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed