“Waddankan (Somaliland) Waxaa Boobaya Afar Dillaal Oo Cado-Qaatayaal Ah,Oo Uu Kow Ka Yahay Ninkan La Magac Baxay Baashe Moorgan” DAAWO
Hargaysa 13. May 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Jaamac Yuusuf Sahal oo ka mid ah da’yarta aqoonyahanka Somaliland ayaa si adag uga hadley wareejinta ay xukuumadda KULMIYE ku wareejisey maamulka dekedda Berbera.
Siyaasigan ayaa farta ku fiiqay xubno uu ku tilmaamay inay duul ku yihiin boobka hantida Umadda,waxaana uu ka dhawaajiyey in maxkamadd lasoo hor taago Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Baashe Morgan.
Geesta kale waxaa uu ugu baaqey siyaasigani shacabka reer Berbera in ay ka dhiidhiyaan tallaabadan ay xukuumadda KULMIYE ku wareejisey maamulka dekeda Berbera.