|

Waddanka Ruushka oo Digniin adag u diray Dalka Poland oo Qorsheeyay inay Furfuraan Taalo lagu xuso Guushii dagaalkii labaad & Talaabada ay ka qaadayaan!!

Moscow 01. August 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Ruushka  ayaa dalka Poland uga digtay  inay ogolaadaan inay furfuraan taalo ku taala dalkaasi oo lagu xuso guushii dagaalkii labaad ee dunida.

Hadii ay ku dhaqaaqaana ay waajihi doonaan cunaqabatayn,Saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibada ee Ruushka ayaa sheegay in aanay Poland taaban taalooyinkii xusuusta ahaa ee lagu xuso dagaalkii labaad ee adduunka.

Madaxda wasaaradu waxa ay intaasi ku dareen haddii tallaabadaasi lagu dhaqaaqo inay Fiisooyinka u diidi doonaan muwaadiniinta reer Poland sidoo kale ay hoos u dhigi doonaan xidhiidhka ganacsi ee lala leeyihiin dalka Poland.

 

Ciidankii la odhan jiray ciidanka cas ee Naasigii Jarmalka ka difaacay ciida Poland sannadihii 1944 ilaa1945 ayaa noqday irbad ku taagan xidhiidhka u dhexeeya Ruushka iyo Poland. Dad badan oo reer Poland ah  ayaa ciidanka Cas u arka inay ahaayeen ciidan qabsaday dalkooda,balse aanay ka difaacayn Naasigii Jarmalka.

Wasaarada arrimaha dibada ee Ruushku waxa kale oo ay ku canaanatay dalka Poland inay ka reebeen mashruuc lagu dhisayey masxaf weyn oo caalami ah oo laga dhisayey mid ka mid ah xeryihii Naasiyiinta Poland. Waxa ay wasaaradu sheegtay in sannadkii 2013 lagu daray inay qayb ka ahaadaan masxafkan, balse mar dambe lagu soo daray dalalka  Israa’iil, Holan iyo Islofaakiya.

 

Ugu dambayntii waxa ay wasaaradda arrimaha dibada Ruushku waxa ay  dalka Poland ku eedaysay inay ku sii kordhayaan Ruush-nacaybku.

Xidhiidhka Ruushka iyo Poland ayaa xumaaday sannadkii 2010 markii diyaarad laga lahaa dalka Poland oo siday saraakiil sar sare oo Poolish ah ay ku burburtay dhulka Ruushka, taasi oo ay madaxda Poland ugu shakiyeen inay dawlada Ruushku soo riday.

Comments are closed