|

Waddanka Jordan oo Shuruud ku Xidhay in Shaqaalaha Safaarada Israa’il ay ku soo Noqdaan Magaaladda Cumaan & Sababta Keentay

Cummaan 28. July 2017 (SDN/QJ):- Dalka Jordan Waxay Go’aamiyeen In Aanay Marnaba Ogolaan Doonin In Shaqaalihii Safaaradda Israa’iil Ay Dib Ugu Soo Noqdaan Magaalada Cammaan Iyadoo Aan Maxkamad La Horgaynin Ninkii Shaqaalaha Safaaradaa Ka Tirsanaa Ee Dilay Labadii Qof Ee Jordan U Dhashay.


Wargayska Al-Qad Ee Dalka Jordan Oo Soo Xiganayey Diblumaasi Wadankaa U Dhashay Ayaa Baahiyey In Boqortooyada Jordan Aanay U Ogolaan Doonin Safiirkii Israa’iil Iyo Shaqaalihiisii Inay  Dib Ugu Soo Noqdaan Urdun Illaa Ay Israa’iil Bixinayso Dammaanadqaad Ku Saabsan In La Maxkamadaynayo Gacan Ku Dhiigglihii Dilka U Gaystay Labada Ruux Ee U Dhashay Boqortooyadaasi.
Madaxa Diiwaanka Boqortooyada Jordan Faa’is Aldaraawah Oo Booqday Guryaha Labada Marxuum Ee La Dilay Ayaa Waxa Uu Sheegay In Boqor Cabdallah Uu Amray In Arintaa Lagu Qaabilo Qaab Uu Ogol Yahay Sharciga Caalamiga Ah Ee Diblumaasiyadu.

Comments are closed