|

Waddanka Iran oo Maanta u dabaal degaya Cunaqabataynta Caalamiga ah ee Laga Qaaday

Tehran 18.Jan 2016 (SDN/QJ): – Qaramada Midoobay, ayaa ku dhawaaqday in Cunaqabateyntii Muddada dheer saarnayd Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN laga qaaday.

sp_yukiya_amano_ali_akhbar_salehi__Madaxwaynaha IRAN Xasan Rawxaani oo Saacado uun ka dib markii cunaqabataynta laga qaaday Dalkiisa la hadlay Baarlamaanka, ayaa sheegay in dalkiisu uu furay bog cusub.

Cunaqabateynada Caalamiga ahaa ee saarnaa ayaa la qaaday ka dib markii Hay’adda Qaramada Midoobay ee quwadda Atoomikada ay xaqiijisay in ay addeecday heshiis loogu talagalay in looga hortago in ay kobciso hubka Nukliyeerka.

Hay’adda Caalamiga ah ee Quwadda Nukliyeerka ee loo soo gaabiyo IAEA, ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Iiraan ay soo dhameystirtay tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee ay ku bilaabi laheyd dhaqangelinta heshiiska Nukliyeerka.

Agaasimaha guud ee hay’adaasi, Yukiya Amano, ayaa sheegay in Maanta ay tahay maalin muhiim u ah bulshada Caalamka.

Baadhayaasha Hay’adda ee ku sugan gudaha Iiraan ayaa xaqiijiyay in Iiraan ay qaadday tallaabooyinkii laga doonayay, ayuu sii raaciyay.

Madaxa Siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa sheegtay in heshiiska uu ka qeyb qaadan doono horumarinta ammaanka iyo nabadda gobolka bariga dhexe iyo Caalamka intiisa kale.

Heshiiska Taariikhiga ah ayey Iiraan iyo quwadaha caalamku wada galeen bishii July ee Sannadkii hore.

Cunaqabateynada laga qaaday Iiraanna waxa ay u sahlaysaa in ay hesho hanti gaadhaysa 100 bilyan oo Dollar iyo weliba in saliidda Iiraan si caalami ah loo iibsan doono.

Comments are closed