Waddanka Faransiiska oo Marti Geliyey Shir ay ka Qayb qaadanayaan Madax Sare oo ka Tirsan Qaaradaha Africa Iyo Yurub iyo qaarada Afrika & Qadiyada Muhiim ah oo ay ka arrinsanayaan
Paris 30. August 2017 (SDN/QJ):- Waxa wadahadalka ka qaybgeliya 7 hogaamiye oo afrikaan ah iyo madaxda midowga Yurub, waxaan miiska u saraan sidii wax looga qaban lahaa tahriibayaasha ka soo qulqulaya wagooyiga afrika. Madaxweynaha Faransiiska ayaa casuumada fidiyey, waxa lagu wadahadlayaa caasimada Paris.
Waxa madaxda afrikaanka ah ka dhexmuuqda madaxda dalka Liibiya ee ay gacanta ku hayaan qaramada midoobay, oo ah xuddunta ay ka yimaadaan qulqulka soo gelaytiga Yurub ay khaatiga ka taagan tahay. Raysal wasaaraha Jarmalka, Raysal wasaaraha Talyaaniga iyo madaxa dublamaasiyada midowga Yurub ayaa ka soo biiray wadahadalka .
Ku dhawaad 125,000 oo qof ayaa sannadkan ka soo gudbay biyaha badda Midhitareeniyinka, sida ay sheegeen Qaramada Midoobay, intooda badani waxa ay marka hore soo galaan Talyaaniga, ka dibna waxa ay ku fidaan dalalka kale ee midowga Yurub. Qiyaas ahaan 2,400 oo qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen dariiqa ay soo marayeen intii ay ku soo jireen dhexda.
Madaxweynha Faransiiska Mr: Emmanuel Macron, ayaa si fiican u soo dhaweeyey kulan ka furmay caasimada Paris, kaas oo lagu gaadhay qodobo lagu xakamayn karo qulqulka qaxoontiga u soo tahriibiya Qaarada Yurub.
Hase ahaatee, madaxweynaha Faransiiska Mr: Emmanuel Macron, oo halkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday in si wado jir ah looga wada shaqeeyo sidii ay u joojin lahayeen dadka badan ee badda ku dhimanaya una soo tahriibaya Yurub, taas oo loo baahan yahay in Afrika la maal gashado horumana la gaadhsiiyo.