Waddanka Austria oo Dhaqan geliyey Sharci Haweenka Muslimiinta ah ka Mamnuucaya inay Xidhaan Xijaabka & Saraakiisha Dhinaca Dalxiiska oo Walaac ka Muujiyey Sharcigan
Austria 02. October 2017 (SDN/QJ):- Dalka Austria oo ku yaalla qaarada Yurub ayaa waxaa ka dhaqan galaya sharci ka mamnuucaya haweenka Muslimiinta ah in ay xirtaan Indho shareerka.
Dumar lagu qiyaasay 150 oo kali ah ayaa la rumaysan in ay xirtaan Indho shareerka ama Niqaabka dalkaasi.
Soo saarida sharcigan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxda xisbiyada waawayn ee Siyaasada dalkasi qaarkooda ay u durbaan tumayaan waxyaabo ka dhan ah Muslimiinta.
Doorashada guud ee dalka Austria oo lagu wado in ay dhacdo dabayaaqada bishan ayaa laga yaabaa in xisbiga midig fog ay ku biiraan dowlad isbahaysi ah.
Saraakiisha Dalxiiska dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay saamaynta ay mamnucidda Indho shareerka ay ku yeelan karto dalxiisayaal badan oo Carab ah oo sanad waliba soo booqda dalka Austria.
Dalxiisayaal badan oo ka yimaada dalalka Gacanka ayaa sanad walba waxa ay Dalxiis u tagaan dalka Austria, waxaana dalkaasi ka soo gala dhaqaalo badan.