|

WADDANI TORONTO : ISKAASHIGA LABADA XISBI QARAN “WADDANI& UCID’

Labada Xisbi mucaarid –WADDANI & UCID  waxa ka dhaxeeya tartan  siyaasadeed oo ku   salaysan  Horumarinta  ,Barwaaqaynta,  Nabadaynta , Difaaca  iyo adkaynta  Madaxbanaanida Somaliland. Xisbi waliba wuxuu leeyahay  higsi iyo barnaamij  u gaar ah .  Laakinse, waxa lagama maarmaan ah inay labada xisbi  iska kaashadaan  arrimaha masiiriga ah  oo ay ka mid tahay  ilaalinta dimuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland.  Waxa si cad u muuqata inay Xukuumadda Madaxwayne Axmed  “ Siilaanyo”   dib inoogo celinayso casragii madooba “ Dark Ages “ iyo habkii qabaliga ahaa  ee laga soo gudbay, diyaarna aanay u ahayn  doorasho.  Shacabka Somaliland diyaar uma aha in mudgi iyo madmadow la geliyo mustaqbalkooda, waxaana waajib ah in xukuumadan ku astaysan  boobka & xaraashka xoolaha umadda, cabudhinta iyo cagajulaynta, aanay kusii negaan Maamulka marka la gaadho 26th June,2015. Hadaba, waxaanu  si buuxda  u taageeraynaa iskaashiga iyo wadahadalka ay dhawaan bilaabeen labada xisbi mucaarid  . Waxaanu ku rajo waynahay inay qaataan   go’aan  midaysan  oo miisaaman . Waxaanu ku talinaynaa in  ,marka uu dhamaado  waqtiga distooriga ahi, la dhiso Xukuumad Xul ah   “ Technocrat Government” ,oo laga   soo dhex meedhay  waxgaradka iyo haldoorka bulshada Somaliland , hawsheeduna ku koobantahay  qabashada  doorasho xor ah oo xalal ah.

 
Wa bilaahi towfiiq.
Dr Ibrahim Absiiye.

 Guddoomiyaha Guddiga

  Toronto., Canada

Comments are closed