|

WADDANI TORONTO BAYAAN: XILDHIBAANADA DHAAMEELAYSAN IYO XUKUUMADDA DHAGARAYSAN EE “MURDISO”

Guddoomiyaha, Guddiga ,Xubnaha iyo dhamaan taageeryassha xisbigga   WADDANI  ee Toronto iyo nawaaxigeedu waxay  si buuxda u  canbaaraynayaan  inqilaabka dhicisoobay ee laga soo maleegay Madxatooyadda.  Waxa lasoo abaabulay  mu’aamarad dhagaraysan oo loogo tallo galay in  lagu  dumiyo Golaha Wakiilada, laguna xalaalaysto  boobka   iyo  dhaxal wareejinta haamaha shidaalka iyo hantida qaranka . Waxa lasoo adeegsaday xildhibaano dhaameelaysan oo jeebka booli qaran iyo lacag xaaraan ah  loogu shubay.

Waxaanu  hanbalyo iyo bogaadin mudan Guddoomiye Cirro oo sharciga iyo xeer hosaadka cuskaday   iyo xildhibaanadii sida geesinmada leh   u difaacay uu ugu horeeyo Xildhibaan Ayaanle.  Waxaanu shacbiga Somaliland  ee sharafta  iyo karamadda mudan  u soo jeedinaynaa inay difaac adag u galaan ilaalinta handtida ummadda, taageero buuxdna siiyan Guddoomiyaha iyo xildhibaanda xaaraan diidka ah.
 WA BILAAHI TOWFIIQ.
GUDDIGGA  WADDANI ,TORONTO

Comments are closed