|

WADDANI Oo Maalintii Afraad Ee Ololaha Soo Bandhigay Taageerayaal Miisaan Leh, Xirsi Oo Difaacay Mabda’a Xisbiga & Cirro Oo Moosko Soo Hadal-qaaday

Hargaysa 01. November 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga WADDANI, ayaa Khamiistii Maanta sameeyay isku soo-baxyo waaweyn oo ka qayb ka ah Ololaha Doorashada Madaxtooyada, iyadoo ay WADDANI u ahayd Maalintiisii Afraad ee uu isku soo-baxyo ka sameeyo Gobollada iyo Degmooyinka Dalka.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, ayaa Magaalooyinka Dalka kaga qayb-galay Isku soo baxyo waaweyn oo taageerayaasha Xisbigaasi ku soo bandhigeen Cududdooda taageero.

Burco

Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa damaashaadka ololaha doorashada Madaxtooyada kala qayb galay kumanaan ka mid ah taageerayaasha Waddani, kuwaas oo ku dabaal degay fagaaraha Khayriyada Burco iyo jidadka magaalada.

Hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin miisaan leh ayaa wehelinayay musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada gobolka Togdheer ku qaabishay dhoollatus laga dheehanayay midnimada Burco iyo rabitaanka reer Togdheer ee isbedel dalkan ka dhaca.

Musharraxa Cirro oo Dadweynaha reer Togdheer u jeediyey Khudbad dheer ayaa yidhi “Maanta shacabku wuxuu doonaya isbedel, isbedelkiina idinka hoggaaminaya waxaana muujinaya isu soo bixiinan. Wuxuu ka jawaabaya (Isu soo bixiinu) hadalkii shalay (Doraad) ee Cali Marreexaan ee ahaa ‘Waddani wuxuu ka baxay saaxadda’ nin baa lagu yidhi ‘Faraskaagu wuu heeryo xun yahay oo wuxuu yidhi ‘Sahan-dambaad garan’ waxaanu leenahay Burco hadal xumadiinii way ka jawaabtay oo waxay kaga jawaabtay waxaas aad arkaysaan. Maanta waxa la tartamaya tartan xallaal ah, waxaa lagu tartamaya barmaamij, barmaamijkeena waanu soo bandhignay dadkana waanu ugu celcelinay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani waxa uu reer Burco xasuusiyay ballan-qaadyadii Kulmiye u sameeyay reer Burco 2010 laakiin, aanay 7 sannadood kadib waxba ka fulin “Waxaynu qiimaynayna Xukuumadda hadda joogta iyo Burco iyo ballan-qaadyadeedii; Ballanqaadyadii Kulmiye waxa ka mid ahaa in ay dhisayso garoonka diyaaradaha ee Burco, diyaaradi ma timaadda oo ma dhisan yahay? Waxay ballanqaaday in ay garoonka ciyaaraha ee Alamsey dib u dhisto oo roog cagaaran dhigto, Ma yaallaa rooggii cagaarna? Maxaa ku dhacay, wuu dumay saw maaha? Waxay ballanqaaday in ay Suuq Casri ah dhisto, suuqiina wasiir Cali Marreexaan ayaa balloodhaystay. Waxay ballanqaaday Xukuumaddu in ay dadkii caydhoobay dib u dejin u samayso oo la dejiyo, waxaanu soo marnay shalay dadkii abaaroobay halka ay degeen, wax la siiyo iska daaye waxay yidhaahdeen ‘maalin walba waxa naloogu goodiya oo naloogu hanjaba in cagaf nala marinayo’ waliba waxay aad uga cawdeen badhasaabka hadda jooga. Waxay yidhaahdeen waxa nala yidhi ‘meelihii aad wax ku aasi jirteen kuma aasan kartaan dadkii horena kala baxa’ wali hore uma maqal wax sidaas oo kale ah. Walaalayaal gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag dadka ku abaarsaday ee ku caydhoobay waxa lagu qiyaasay ilaa 47000 qof. Waxa jiray lacago badan oo loo ururiyay oo la yidhi ‘dib ayaa loogu xoolaynaya’ cid la xooleeyay miyaad aragteen? Lacagtii meeday? Ma Kulmiye ayaynu waydiina? Kulmiyaw ka jawaab dee,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisu uga garaabayeen su’aalaha uu waydiinayay. Waxa uu sheegay in xukumaddiisu dib u dejinayso dadka abaaraha ku caydhoobay, islamarkaana la samayn doono hay’ad ka hor tagta abaaraha waxna ka qabata.

Musharraxa xisbiga Waddani waxa uu bulshada gobolka Togdheer waydiistay codkooda “Waxaan ahay musharrax, waxaan reer Togdheer iyaga oo midaysan waydiisanaya codkooda, cod midaysan baan raba oo aan Bari iyo Galbeed midna ahayn ee Togdheer ah,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada hor taagnayd ugu jawaabta ‘codka waanu ku siinay’ waxaanu ku jawaabay “Waad mahadsan tihiin, ana waxaan badbaadin doona Qarankan oo aan dhibka haysta ka badbaadin doono; oo ay ugu horayso sixir bararka aafeeyay noloshada Somaliland dhammaanteed,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in uu leeyahay waayo aragnimo 40 sannadood ah oo uu nidaamka dawladnimada ka soo shaqeeyay, sidoo kalena ay hareero joogaan khubaro dunida laga yaqaano oo horumar gaadhsiin kara dalka, islamarkaana citiraaf keeni kara.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu caddeeyay sababta aanu Madaxweyne Siilaanyo u dhalliilin “Waxyaabaha inta badan la I waydiiyo waxa ka mid ah maxaad Madaxweyne Siilaanyo wax uga sheegi wayday? Horta waan idiin sheegaya ee Madaxweyne Siilaanyo tartami mayno, waxaanu tartamayna Muuse, Odayga waynu u sii ducaynayna wixii uu u qabtay Qaranka wuu u qabtay si wanaagsan oo gobanimo leh ayaynu u sagootiyayna, Muusena waanu tartamayna. Muuse waxaanu leenahay barnaamijkaaga dadka u soo bandhig, Kulmiye waxaanu leenahay been ku badin maysid, been abuurna laguma badiyo, ma sawirro been ah baa lagu badiya? Waxaanu leenahay aan tartano mujaahidnimadaada iskaga faan haddii aad doonayso,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in aanu Muuse Biixi Somaliland u qaban inta uu Cirro ahaan u qabtay “Waxaan anigu qaba oo aan rumaysnahay inkasta oo aanan Qaaxo tagin in aan Qaranka Somaliland uga faa’iido badnaa qaar Qaaxo joogay oo laakiin, Hagardaamo ula joogay oo dhib ula joogay. Anigu markii aan Moosko joogay raggii aan soo saaray ee muttacallimiinta ahaa ee PHD-da sitay waa kuwan harreerahayga jooga. Boqolaal Ayaan soo saaray wada dhakhtarro ah oo qaar dawladda ku jiraan, qaar Maraykan joogan, qaarna Burco joogaan maanta. Waxaan leeyahay waxa aan qaranka ku darsaday umay qaban rag maanta xil idinka doonaya,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay Shalay booqdeen meelaha ay deggan yihiin dadka ay abaaruhu xoolaha ka saareen, isla-markaana ay u sheegeen in Xukuumadda Kulmiye ugu hanjabtay in ay cagaf galinayso. Waxa kale oo uu sheegay in aanu Musharrax Muuse Biixi Cabdi kala fahansanayn xuquuqda bani’aadamka iyo ilaalinta xaqa dadka laga tirada badan yahay ‘Calaamadda Waddani iyo calaamadda Kulmiye waxay ku kala duwan yihiin; Kulmiye waxa uu ololihiisa ku salleeyay qabyaalad, muu qarsan ee laba beelood ayuu ku sheegay. Somaliland waa beelo badan oo heshiiyay waynu midaynayna inagu oo taas waynu kaga duwan nahay. Inagu Somaliland ayaynu midaynayna, Somaliland ayaynu walaalaynayna, Somaliland baynu wax isugu darayna, Somaliland baynu horumarinayna,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

Hoggaamiyaha Waddani waxa uu si cad uga jawaabay arrinta Muuse Biixi Cabdi ololaha ka dhigtay ee ah in xisbiga Waddani Xamar gaynayo Somaliland “Kulmiye horumar kama hadlaan oo horumar may keeneenin, waxay olole ka dhigteen Xamar baa la tagaya, waar Xamar yaa tagaya? Ma Waddani baa Xamar taggaya? Iyaga tagaya haddii ay ciddi tageyso. Ninka taagta daran ee laga badiyo ayaa lagu yaqaana Aflagaadada oo lagu yaqaana in uu gidaar kale isku qaado. Wadaad baa Wadaad kale ku yidhi waar Diintu sidaas maaha ee sidaas ka daayo wuxuu ku yidhi ‘Salliga Nabigaad diiddan tahay’ hadda Salliga Nabigaba lagama hadlayn, Kulmiye imika wuxuu leeyahay Salliga Nabigaad diidan tahay waar Salliga Nabiga lagama hadlayn ee Waysada laga hadlayaa. Waar Kulmiyow Somaliland baa lagu tartamaya ee dalka wax la kaalay, Xamar waa Xamar oo waynu kala go’nay laba dawladood baynu kala nahay maxaad ugu halliilaysa?,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi

Boorama

Sidoo kale, Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ayaa Shalay iskugu soo baxay Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, si ay u muujiyaan awooddooda taageero inta ay leeg-tahay.

Taageerayaasha ayaa waxa Isku soo baxan kala qayb-galay Masuuliyiin ka mid ah Xisbiga WADDANI, kuwaasi oo u jeediyey khudbado ay ku waaninayaan inay Maalinta Doorashada Codkooda siiyaan WADDANI.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga WADDANI oo ka mid ah Masuuliyiinta Taageerayaasha la hadlay ayaa yidhi “Waanu rejaynaynaa in AWDAL noqoto halka Qaranka Somaliland laga bedbaadiyo haddii Alle yidhaahdo..”

Guddoomiyaha WADDANI ee Gobolka AWDAL oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Guushii way dhawdahay ee waa inaad 13-ka bisha November Codkiina ku hubsataan WADDANI…”

Hargeysa

Sidoo kale, Taageerayaasha uu Caasimadda Hargeysa ku leeyahay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa Shalay iskugu soo baxay Fagaaraha Beerta Xorriyadda, waxayna muujiyeen Cududdooda Taageero ee ay hayaan WADDANI.

Masuuliyiin ka mid ah Xisbigaasi oo Dadweynaha kala hadlay Halkaasi, ayaa ka warramay Waxyaabaha uu Xisbiga WADDANI doonayo inuu wax ka qabto, hadduu Talada Dalka ku guuleysto, iyagoo sidoo kalena taageerayaashooda iyo Dadweynaha kaleba ugu baaqay inay Codkooda siiyaan Musharraxiinta Xisbigaasi ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku tilmaameen Xubno u qalma inay Shanta Sannadood ee soo socota Dalka Hoggaamiyaan.

Sidaasi oo kale, ayaa Guud ahaan Magaalooyinka Dalka, sida Gabiley, Ceerigaabo, Laascaanood, Berbera iyo Meelo kale oo badan oo Saylac ku jirto ay iskugu soo baxeen Taageerayaasha WADDANI.

Comments are closed