“Waddan kasta oo qaaradda Afrika ku yaala iyo adduunyada inteeda kaleba way ka war-warsan yihiin cudur-sidaha Ebola” Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
London 19.Oct 2014 (SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay qorsheyaasha uga dejisan sidii aanu waddankeeda u soo gaadhi lahayn Cudurka halista ah ee Ebola oo fara-baas ku haya waddamada Galbeedka Qaaradda Afrika, isla markaana dunidu cabsi weyn ka qabto sida xawliga ah ee fiditaankiisu u gaadhay meelo badan oo ka baxsan qaaradda Afrika.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Md Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay dawlad ahaan tabaabushe ay ugu diyaar-garoobayaan ka-hortaggiisa ku jiraan, shaqaale caafimaad oo la siiyey aqoonta cudurkan iyo sida loo xakameeyona ay ka hawal-galiyeen goobaha dalka ka laga soo galo.
Md Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ah wefti Wasiirro ah oo madaxweynaha Somaliland ku wehelinaya socdaal shaqo oo ay ku joogaan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo ay kaga qayb-galeen shirka Maalgashiga iyo xidhiidhka ganacsi oo Somaliland loo qabtay, waxa uu arrinkan kaga hadlay waraysi dhinacyo badan taabanaya oo telefishanka Sky News oo xaruntiisu tahay magaalada London uu la yeeshay.
Wasiirka oo wax laga weydiiyey sida ay dawlad ahaan ugu diyaar-garaysan yihiin la-tacaalista cudurka Ebola, waxa uu ku jawaabay, “Waddan kasta oo qaaradda Afrika ku yaala iyo adduunyada inteeda kaleba way ka war-warsan yihiin cudur-sidaha Ebola. Waxaanu u diyaarinaynaa hawl-wadeenno caafimaad iyo khubaro ku xeel-dheer si loo xaqiijiyo in dadka waddankayaga soo galayaa ay tallaalan yihiin. waxa jira shaqaale caafimaad oo ka hawl-gala madaarrada iyo goobo xuduudaha dalka ku yaala. Waxaanu isku-dayeynaa inaanu u diyaarino kooxo caafimaad oo xaqiijiya inaanu ka badbaadno Cudurka Ebola, annaga oo kaashanaynaa hay’adaha Qaramada Midoobay sida hay’adda Caafimaadka ee WHO.
Runtiina, waa wax aanu ka war-warsannahay, laakiin waxaanu isku dayaynaa dedaal kasta oo aanu ku xaqiijinayno inaanu Ebola soo Gelin Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.
Md Maxamed Biixi Yoonis oo la weydiiyey doodda iyo qodobbada ay la hortagayaan bulshada caalaamka, gaar ahaan maal-gashatada si ay ugu qancin karaan ama kalsooni ugu abuuri karaan inay hantidooda u huraan Somaliland, waxa uu sheegay in muddo 23 ah oo Somaliland jirtay ay dalalka kale gobolka kaga duwanaatay hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo nabad-gelyo sababta koboc-dhaqaale oo dalka ka hirgelay, taasina ay sababtay inay ku soo hirtaan maalgashato iyo ganacsato noocyo kala duwan oo maalgashi ah ka samaystay Somaliland.
London SDN/QJ