|

Waddamadaa Itoobiya Iyo Jarmalka oo Wada Gaadhay Heshiis Iskaashi oo dhinaca Waxbarashadda ah

Addis Ababa February 9, 2016 (SDN/QJ):- Dawladaha jarmalka iyo Itoobiya ayaa ku dhawaaqay iskaashi buuxa oo ay ka yeelanayaan dhanka waxbarashada iyo tacliinta sare.

Ambassador SchmidtSafiirka Magaalada addis-ababa  u fadhiya Dalka Jarmalka Mr Joachim Schmidt Oo maanta ka hadlay kulan ka dhacay Magaalada Addis-ababa ayaa sheegay in dawlada Jarmalku sii wadayso iskaashiga ay Itoobiya kala samaynayso dhinacyada dhisidda awooda iyo soo saarista dad xirfadlayaal ah, dalkiisa Jarmalkuna diyaar u yahay inuu sii wado dadaalo taageero oo qiimo leh oo la siinayo hay’adaha tacliinta sare ee Wadanka itoobiya.

 

Addis ababa -open-campus-mainWakaalada wararka Itoobiya ee ENA oo Shabakada Qurbejoog ay Warkan ka soo Xigatay ayaa baahisay Xalay in jaamacadaha badan ee laga furayo dalka Itoobiya ay u baahan yihiin in la dhinac wado dhismaha tayadooda, iskaashiga labada wadana ay qayb ka yihiin arimahaasi, iyagoo jarmalku ka taageeraya sidii jaamacadaha loogu heli lahaa xirfadlayaal aqoontoodu sarayso, taasoo dhabbaha u xaadhaysa tayaynta tacliinta sare ee Itoobiya.

Iskaashiga dhanka tacliinta sare ee labada wadan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii Axadii  dalka Itoobiya laga furay kuliyadii u weynayd ee barashada aqoonta duulimaadada taasoo dhismaheeda uu ka baxay dhaqaale gaadhaya 120 Milion oo doolarka Maraykanka ah

Comments are closed