Waddamada Maraykanka iyo Austraila oo Nooc ka Mid ah Taleefannada Gacanta ka Mamnuucay Diyaaradaha & Sababta Keentay
Washington 11.Sep 2016 (SDN/QJ):- Waaxda Duullimaadyada Hawada ee dalka Maraykanka, ayaa rakaabka Diyaaradaha ee wata Taleefannada noocoodu yahay Samsung Galaxy Note 7 kula taliyay in aanay daarin oo aanay dabaynin inta ay Diyaaradda la socdaan, maaddaama Cillad dhinaca dabka ahi ku soo baxday Taleefankaas Note 7 oo ay Shirkadda Sumsung dib uga ururinayso Suuqyada caalamka.
Shirkadda Samsung ayaa hakisay iibinta Taleefankaas toddobaadkii hore, ka dib markii la ogaaday in qaar ka mid ah Taleefankooda u dambeeyay ee Galaxy Note 7 uu dab ka kacayo ama qarxayo marka la dabka la geliyo si loo dabeeyo ama loo jaaj-gareeyo.
Saraakiisha Waaxda Duullimaadyada Hawada ee Maraykanku waxay sheegeen in Rakaabka Diyaaradaha la socdaa aanay Boorsooyinka ama Shandadohooda ku ridin Taleefankaas Note 7, isla markaana aanay diyaaradaha ku dhex-isticmaalan, isla markaana ku dhex-dabaynin Taleefankaas.
Khamiistii toddobaadkan tegay, Shirkadaha Diyaaradaha ee Australian Airlines ee dalka Australia, ayaa macaamiishooda ugu baaqay inaanay Diyaaradaha ku isticmaalin Taleefannadooda Galaxy Note 7-ka ah.
Shirkadda Samsung, ayaa dib u soo celinaysa 2.5 Milyan (Laba Milyan iyo Badh) Taleefan oo kuwa Gacanta lagu qaato ah, kuwaasoo noocoodu yahay Galaxy Note 7 oo noocii ugu dambeeyey ee ay Shirkaddu soo saarto ah, isla markaana la iibiyay ama loo kala diray Suuqyada Adduunka oo dhan si dib loogu eego wixii cilad ah ee ku jirta.
Waxaanay Shirkadda Sumsung ku doodday inaanay Bayteriga ama Dhagaxa Taleefankaas iyadu samaysan ee ay Shirkado kale u sameeyeen, cilladdaasna ay dib u hibinayso, iyadoo dalbatay Macaamiisha iibsatay Taleefankaas inay dib u soo celiso si loogu beddelo.