“Waddaadu Way Guur Badan Yihiin, Dumarkuna Way Jecel Yihiin…..” Sheekh Maxamed Ibraahim (Shakuul)
Garoowe 22. February 2016 (SDN/QJ):- Sheekh Maxamed Ibraahim (Shakuul) oo ka mid ah culimadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in wadaadadu yihiin kuwa ugu guurka badan, isla markaana wuxuu sheegay in waddaadadu hadda waxbarteen isla markaana abuureed dhaqaale iyagoo waayaddii horre ahaa kuwa aad u liita.
Sheekh Shakuul oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Wali waxaan aaminsannahay in culimaddu umadda soomaaliyeed meel sarre ugu jiraan, laakiin wuu jira in waxooga shaki ahi soo baxay. Waagii horre culimaddu waxay ahayeen dad dhaqaale ahaan liita oo dadka ku xidhan oo gacanta hoose ah oo dad loo naxariisto oo loo tudho, oo Sheekha ha la daayo.Hadda laakiin culimaddii wax bay barteen, dhaqaalay sameeyeen, siyaasad bay galleen.”Ayuu yidhi Sheekh Shakuul
Sidoo kale, wuxuu Sheekh Shakuul sheegay inay culimaddu yihiin kuwa ugu guurka badan“Waddaadu way guur badan yihiin dumarkuna way jecel yihiin, hadda guurku waa wax la amaanay, asalkuna waxa weeye in dumar badan la guursaddo oo ilaahaybaa qur’aanka inoogu sheegay oo yidhi haweenka aad jeclaataan laba ka guursadda ama afar ka guursadda. Marka haddii taa waagii horre lagu baraarugsanayn oo imika lagu baraarugay ama dhaqaalihii isbedelay dhib ma lahaa, laakiin waxa daran furiinka badan.”ayuu yidhi Sheekh Shakuul