|

Wadamada Ruushka iyo Poland Oo Bisad Isku Qabsaday

Moscow,27Dec,2015(QJ/SDN)-Ruushka ayaa dalkooda ka eryey nin Suxufi ah oo Polish ah, waxaanay Ruushku ku jees jeeseen inay xanaaneyn doonaan bisadiisa Marusia.

Wasaarada arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa fariin loo diray Bisadaasi ugu bushaareyey inaanay werwerin isla markaana in la xanaaneyn doono.

Waxaa dhankiisa aad uga cadhooday ninkii weriyaha ahaa ee Bisada lahaa Waclaw Radziwinowicz, waxaana uu BBC-da u sheegay inaanu fahmin waxa ay Ruushku uga jeedaan ereyadan

Ruushka iyo Poland ayaa waxaa ka dhaxeeya xifaaltan siyasadeed oo meelo badan gala sida bisadaha.

Xigasho: BBCSomali

Comments are closed