Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand: Dhab mise Dheeldheel?
Waxaa hubaal ah in waddani kastoo Soomaaliyeed, meeluu joogo iyo qabiil uu yahayba, uu u hammuun qabo midnima Soomaaliyeed si ay ummadda Soomaaliyeed u noqoto mid ka badabaadi karta gumeysi iyo caga jugleyn, aayeheeda fogna uga tashan karto. Taas ayaana keeneysa in loo dhegtaago wadahadalla dhex mara Soomaaliya iyo Soomaalilaand. Haddaba waxaa innala gudboon, iyadoo aynu wada ogsoonnahay xaajada laysku maandhaafsanyahay, inaynu gorfayno sida ay wax u socdaan. Dhinaca aan anigu mas’aladdatan ka abbaarayaana waa muuqaalka iiga baxay siday labada dhinac garohooda u kala marsanayaan, haddiiba la orankaro waa la garramayaa. Soomaalilaand waxay ku doodeysaa in shacabkeedu uu isku raacay inay Somaliland ahaato dal madax bannaan. Waa mawqif cad oon cidna ka dahsoonayn. Soomaaliya waxay ku doodeysaa inuu dalku mid qudha yahay, kaasoo aynu isna oran karro waa mawqif cad. Saasoo ay tahay, haddana markaad hoos u faaqiddo, waxaa kuu caddaanaysa in Soomaaliya, xilligii Sheekh Shariif iyo maantaba, habka ay dacwaddeeda u dhigaysaa uu yahay mid garteeda rasmiga ah wiiqaya, midnamada Soomaaliyana burburin kara.
Bal eegoo, waxaynu niri Soomaalilaand waxay ku doodeysaa inuu shacabkeedu ISKU RAACAY goosashada. Halkaa waxaa ku jira saddex sheegasho: 1) in Soomaalilaand u taliso oo wakiil ka tahay dhammaan dadka ku nool intii laysku oran jirey Somaliland; 2) in shacabka Soomaalilaand uu isku raacay goosashada; iyo 3) in goosashadu aanay ka-noqosha lahayn.
Markaad saddexdaa qodob u fiirsato, waxaan shaki ku jirin in qodobka saddexaad uu ku qotomo labada qodob oo hore. Haddii labada qodob oo hore ay burburaanna, ay qadiyaadda goonni-isutaagga Soomaalilaand burburayso.
Haddaba waxa isweydiinle: Maxay Soomaaliya ka qabtaa labada qodob ooy dacwadda Soomaalilaand ku qotonto oo halbawlaha u ah?
Anigu, shakhsiyan, ma ogi waxay labadaa qodob (oo kala ah in Soomaalilaand u taliso oo wakiil ka tahay dhammaan dadka ku nool intii laysku oran jirey Somaliland, iyo in shacabka Soomaalilaand uu isku raacay goosashada) Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxammuud ka yiraahdeen. Waxaase ii cad in habka ay labada Madaxweyne ula dhaqmeen Soomaalilaand ay markay u yaraato muujinayso garasha li’i, haddaanay garasha li’i ahayna ay tahay mid daacadnimo iyo waddaninimo ka arradan.
Muwaddiniinta Soomaaliyeed waa inay fahmaan inay xaajadani, waa goonni-isutaagga Soomaalilaand eh, tahay mid qaanuuni iyo akhlaaqi (moral) labadaba ah. Qaanuuniyan iyo akhlaaqayan, dhinacaad ka eegtoba, mawqifka Soomaaliya oo iska indhatiraya labadaa qodob waa mid fashal weyn keeni kara, ama markuu u yaraado xaajadaa daba dheerayn kara. Waa mare, qaanuuniyan, waa tanaasul aad u weyn oon wax lagu helay aanay jirin. Waa midda kalee, akhlaaqiyan, waxay xadgudub iyo meel-ka-dhac aad u weyn ku tahay qaybaha ka midka ah shacabka Soomaaliyeed oo iyagoo aan raalli ka ahayn lagu qasbayo goosashada. Waxay oraah Ingiriisi ahi tiraahdaa: “The best defense is a strong offense”. Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh xaq u leeyahay inuu Soomaalilaand kula doodo maammulidda goballada Woqooyi oo Dawladda Dhexe laga taageersanyahay. Adduunka laguma arag dal qayb ka midi ay rabto inay go’do oo qaybtaasi ay qayba kaloon lawadaagin go’itaanka ku darsanaysao go’itaankeeda, haddana Dawladdii laga go’ayey aanay taa waxba ka oran, oo aadba mooddo inay saa raalli ka tahay.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa: “Sida walaalahana wax isu siiya, sida cadaawahana u xisaabtama”. Dawladda Soomaaliyeed waxaa la gudboon inay si dhab ah, oo xilkasnima leh, arrinakan u waajahdo. Debeca iyo tanaasulka ay hadda samaynaysaa waa caqabado dhowaan hor iman doona. Way adkaan doontaa wixii shalay la yeelay (qawl iyo ficil midkii la doonaba ha lagu yeelee) in berri laga noqdo.
Runtii xaajadani way ka weyntahay mid lagu halleeyo shakhsi, Madaxeyneba ha ahaadee, amaba koox kooban. Waa arrin halbowle ah oo horseedi kara burbur ku yimaadda Soomaaliyada Koofureed laf ahaanteeda. Waxaynu ku jirraa marxalad xasaai ah. Weli ma jirto kalsooni buuxda oo madaxda Dawladda lagu wada qabo. Waxaana ii muuqda inaanay Dawladdu u bislayn wadahadal wax-ku-ool ah ooy la gasho Soomaalilaand. Sidaa darteedna waxaan ku
talinayaa: “IN LA HAKIYO WADA HADALLADA U DHEXEEYA SOOMAALIYA IYO”
“SOOMAALILAAND LANA SAARO GUDDI ISU DHEELLI TIRAN XAGGA”
“AQOONTA, WAAYA-ARGANIMADA, IYO MATELAADDA SHACABKA OO KASOO”
“TALA BIXISA SIDA LOO WAAJAHAYO DIB-U-MIDAYNTA SOOMAALIYA.’
Ma arko sabab uu Madaxweynuhu isugu soo koobo talada wada hadallada, waana inuu feejignaan gaar ah u yeeshaa siyaalaha loo fasiran karo dhabbada uu hadda ku taaganyahay oo la mida tii uu Sheekh Shariif ku taagnaa. Ugu dambyna, haddaan dib ugu soo noqdo su’aasha ah:
Wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaalilaand: Dhab mise Dheeldheel?
waxay aniga ila tahay, Soomaalilaand waa ka dhab, Soomaaliyase waa ka dheeldheel.
Maxammuud Cali Geeldoon
Medical Physicist
mgaildon@aol.com