|

Wadahadaldii Soomaaliya iyo Itoobiya oo la isku mariwaayay

Muqdisho July 02, 2024(QJ)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay waxyaabihii ay uga wada hadleen dalka Turkiga wafdiyo kala matalayay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya. Wadahadalladan ayaa looga hadlay xiisadaha ka dhashay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirarkii ka dhacay dalka Turkiga aysan ahayn kuwa fool ka fool ah. Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in wafdiga Soomaaliya ay mowqif adag ka istaageen ilaalinta midnimada iyo qaranimada dalka.

Waxaa lasoo gaba gabeeyay wareegii koowaad ee wadahadalka dhex dhexaadinta dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana wareegga labaad ee doodaha la qorsheeyay in la qabto 2da Sebtember 2024-ka.

Wadahadalladan ayaa waxaa lagu kala aragti duwanaa, gaar ahaan dhanka dowladda Soomaaliya oo mar kale ku celisay mowqifkeedii hore ee ahaa in Itoobiya ay ka laabato heshiiskii sharci darrada ahaa ee MOU, waxayna ku nuuxnuuxsatay in aan wax tanaasul ah lagu sameyn doonin ilaalinta madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, taasoo aan gorgortan ku jirin.

Leave a Reply