|

Wadahadaladii u dhexeeyay Xukuumada Jabuuti iyo Mucaaridka USN maanta dib u furmaya

Jabuuti Sept 01,2013(SDN)-Waxa maanta dib uga furmaya magaalada Jabuuti Wadahadaladii u dhexeeyay xukuumada Jabuuti iyo dalada mucaarida dalka ee USN.

Wadahadalada oo si goos goosa u socdey ilaa iyo haatan ayaa dhawr goor siyaabo kala duwan waxa ugu yimi hakad.

Hadal heynta ugu badan ee caasimada ayaa maalmahan aheyd wadahadaladan dib ugu furmaya maanta Mucaaridka iyo Xukuumada dalka.

Wadahadalada ayaan ilaa iyo haatan aan la isku waafiqin qodobada looga doodi doono.

Xurgufta ugu weyn ee u dhexeysa dhinacyada siyaasada dalka ayaa ah natiijooyinkii doorashooyinka dalka ka dhacay horaantii sanadkan iyo xariga xukuumadu u geysatay dad lagu eedeeyay i ay ka qeybqaateen ololeyaashii siyaasadeed ee dalka.

Si kastaba ha ahaatee Jamhuuriyada Jabuuti ayaa u baahan nidaam siyaasadeed oo dadku isku waafaqaan si loo hirgeliyo rabitaanka dhabta ah ee shacabka dalka.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed