|

Wadahadaladii Suuriya Oo Maalintii Labaad Galay

Hargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa waxa uu sheegay in ay dhiirigalisay in Iiraan markii ugu horreysay ay ka qeyb qaadanayso wadahadallada caalamiga ah ee lagu xallinayo colaadda ka aloosan waddanka Suuriya.

Xilli quwadaha caalamka ay isu diyaarinayaan wadahadalo asaasi ah oo lagu qabanayo magaalada Vienna maanta oo Jimca ah, ayaa Mr Ban waxa uu ugu baaqay in ay muujiyaan dareen ah dabacsanaan.

Waxa uu sheegay in uu rajaynayo in taageerayaasha muhiinka ah ee dhinacyada ku dagaalamaya Suuriya ay dhinac iska dhigi doonaan danaha qaramada ay matalaan muhiimaddana siiyaan hogaaminta caalamka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa sheegay in beesha caalamka looga baahanyahay in ay xal u helaan Bashar Al-asad si xal looga gaaro colaadda Suuriya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan, Maxamad Javad Zarif, ayaa kala aragti duwanaanshihii meel iska dhigay wuxuuna la kulmay dhigiisa dalka Maraykanka, John Kerry.

Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in ay horumar wayn tahay in dhinacyadii ku lugta lahaa colaadda Suuriya oo dhan ay wadahadalkan ka qaybqaadanayaan.

 

 

Comments are closed