|

Wadahadaladii Sooomaaliya iyo Itoobiya oo hakad ku yimi

Muqdisho November 09, 2024(QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa faah faahin cusub ka bixiyay halka ay marayaan wada hadalladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Fiqi ayaa sheegay in wareegii 3-aad ee wadahadalka uu dib u dhac ku yimid kadib markii uu mashquul badan ku yimid labada dhinac, gaar ahaan shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo faragelin lagu sameeyay. Waxa uu xusay in Turkiga uu dadaal badan ugu jiro sidii natiijo looga gaari lahaa wada-hadallada la qorsheeyay.

“Wadahadalladani runtii waa ay socdeen, waxaan u fadhiisanay wareeggii labaad bilaha July iyo August, wareeggii saddexaad wuxuu ahaa Sebtembar, laakiin ma dhicin shirka Qaramada Midoobay awgeed, dib ayaa loo dhigay, hase yeeshee, habka loo marayo ayaa ah. weli waa socdaa, Turkiguna dadaal xooggan ayuu wadaa, balse ma saadaalin karno inta uu gaari doono, waxaana rajeyneynaa inuu ku dhammaado si guul ah, iyadoo madaxda Itoobiya ay dib u soo laabanayaan oo ay waajahayaan xaqiiqada” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ugu baaqay madaxda Itoobiya in ay xaqiiqada wajahaan oo ay run sheegaan si loo gaaro wada xaajood mira dhal ah, isagoo rajo ka muujiyay in natiijooyin wax ku ool ah ay ka soo bixi doonaan wareegga saddexaad ee wadahadallada.

“Haddii ay Itoobiya doonayso inay maalgashato Berbera saami bay ku leeyihiin, laakiin ma mooddo inay danaynayaan, xataa Jabuuti ayaa deked u soo bandhigtay, laakiin kamay jawaabin, oo dano la’aantooda ayay muujinayaan, riyo been ah ayaa lagu qalday, iyagoo aaminsan Soomaaliya. waa daciif, lagana faa’iidaysan karo, laakiin taasi run maaha Soomaaliya, dhammaan hay’adaha caalamiga ah sida UN iyo AU way diideen fikraddaas,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa xasuusiyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed in maamulka uu qeyb ka yahay uu la kulmay cawaaqibka isku daygii ay ku doonayeen inay ku qabsadaan Soomaaliya, isagoo ugu dambeyn codsaday inay si nabad ah uga baxaan.

“Madaxdii hore waxay kaloo isku dayeen inay qaataan dhul Soomaaliyeed, iyagoo keenay 50,000 oo askari, maxaa keenay taasi, waxay ahayd inay codsadaan in ciidamadooda si nabad ah ay uga baxaan iyaga oo aan wax iska caabin ah sameynin, inkastoo ay xaalad adag ku jireen, waxay isaga baxeen xuduudda, Ra’iisul Wasaare Abiy. Axmed taariikhdaas ma oga, inkasta oo uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa maamulkaas,” ayuu yiri wasiir Fiqi.

Comments are closed