|

Wadahadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya oo burburay

Ankara September 15, 2024(QJ) -Wajigii 3-aad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya uga furmi lahaa magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, oo horay loo qorsheeyay in la qabto 17-ka bishan September, waxaana dib loo dhigay sababo aan la shaacin.

Dib u dhigistan ayaa ku soo beegantay iyadoo ay cirka isku sii shareertay xiisada u dhaxaysa labada dal, iyadoo labada dal ay is dhaafsadeen hadallo adag oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wadahadalka Ankara.

Wareegyadii hore ee wada hadalada labada dal ayaa ku guuldareystay in ay heshiis gaaraan, inkastoo Turkiga uu muujiyay in ay muuqato isku soo dhawaansho. Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa si adag u sheegtay in Itoobiya ay ka noqoto heshiiskii ay la gashay maamulka Somaliland ee ku saabsanaa soohdimaha badda.

Dhowaan ayay ahayd markii wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay gacan saar la yeelan doonto dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka ah ee Itoobiya, haddii aysan Itoobiya ka laaban heshiiska muranka dhaliyay ee dhinaca badda ee ay la gashay maamulka Somaliland.

Dhinaca kale Itoobiya ayaa walaac xoogan ka muujisay saameynta Masar ay ku leedahay Soomaaliya, waxayna ku eedeysay madaxda Soomaalida inay isbaheysi difaac la sameysteen cadowga Itoobiya. Itoobiya waxay ku adkaysanaysaa inay difaacdo heshiiska ay la gashay Somaliland.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in wada hadalada Turkiga ay garwadeen ka yihiin ay burburaan, taasoo sii xumeyneysa xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu goodiday in ay qaadi doonto tallaabooyin wax ku ool ah haddii Itoobiya ay sii wado xadgudubka ay ku heyso madax banaanideeda.

Leave a Reply