Wadaad Dad u eeki buu kugu Dilaa: Ururka Badbaado aragtidiisu ma tahay mid Bad Qabta?
Inkasta oo aay u eegtahay in Sheekh Maxamed Cali Geedi uu ka soo dheegtay magaca Badbaado xeradii barakacayaasha abaaraha ee magaalada Muqdisho ee uu ku gaadhsiiyey deeqdii ay ku deeqeen dadka iyo dawladda Somaliland, hadana Ururku ma cadayn cidda la badbaadinayo iyo waxa laga badbaadinayo. Tan iyo dharaartii lagu dhawaaqay ururka Badbaado oo ay horboodayeen wadaado caan ka ah bulshada dhexdeeda, waxa si is-daba joog ah isaga soo daba dhacayey taageerada uu ka helayey wadaado ku caan baxay dhaqdhaqaaqyadii waxa loogu yeedhay Islaamiyiin (inkasta oo aanan raacsanayn eray bixintaa). Sheekha sida wayn loogu yaqaan al- Itixaad ee Shiikh Cali Warsame ayaa ka qayb galay kulan magaalada Burco uu ku qabatay Badbaado, waxana wadaadku u hambalyeeyey ururkan.
Intaa kuma eeka e, waxa ururku uu si adag uga hadlay waxa uu ugu yeedhay isku xukunka shareecada, taas oo ula muuqata in ay tahay fahamka u gaarka ah ee wadadaas. Nin u hadlay 19-kii bishan ururkan ayaa dawladda ugu yeedhay inay soo rogto shareecada Islaamka.
Waydiintu waxa ay tahay shareecada uu raadinayo ururku maxay tahay. Si aan uga bixin war-celin aan isla eegno dhawr kan arimood.
Somaliland waxa ay qaadatay isku xukunka Shareecada 1991-kii iyada oo sii xoojisay 2001-dii, hadana waa lagu dabaqaa Shareecada maxkamadaha Somaliland.
Somaliland waa bulsho dulqaad badan oo degen, aaminsanna in diinta Islaamku tahay diin ay ku dhasheen.
Culimada Wahaabiyiinta oo dhulka Soomaalida soo galay badhatamihii qarnigii 20aad, xoogaystayna intii ka dambaysay burburkii dawladdii faqashta, waxay ku abtirsadaan afkaaro ay ka dhaxleen Sheekh Maxamed Cabdiwahaab oo noola qarnigii 18aad. Wadaadkaas Sucuudiga ah ayaa afkaarihiisa ay ka duulaan shabakada Al-Qaacida iyo inta la aragtida ah oo u turjuma diinta Islaamka hab adag oo ku kooban fahamkooda.
Ururkan Badbaado isaga oo gudanaya shuruudii ahayd inuu keeno kun qof magaalada Hargeysa, waxa uu soo tubay dhalinyaro badan oo joogta da’dii malcaamadaha, taas oo ku abuurtay dad badan tuhmo ah doorka ay ku leeyihiin madaaristu taageerada ururkan.
Iyada oo aanay ujeedadaydu ahayn in aan isku xidho xag-jirnimo fara-laga qaad ah iyo Ururkan, hadana waxan qabaa in loo baahan yahay in ururkani cadeeyo arimahan:
Waxa uu ka aaminsan yahay saraynta iyo jiritaanka dastuurka Somaliland,
Xuduuda iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland,
Habka sharci dejineed ee Somaliland,
Deris wanaagga, nabad kula noolaanshaha deriska, la dagaalanka Aragagixisada, iyo
Habka iyo fasirka uu ka qabo diinta Islaamka.
Aniga oo ka duulaya xoriyatul qawlka ku dhigan dastuurka Somaliland, gudanayana waajibkayga muwaadinimo, waxan ka codsnayaa shacabka Somaliland, Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasadeed, iyo xukuumada Somaliland inay inagu hubiyaan wadaadaas. Ujeedada aan taa u leeyahayna waxa weeye; maahmaahdii Soomaalida ee ahayd wadaad dad u eeki baa lagu dilaa ayaa hada isu bedeshay wadaad dad u eeki buu kugu dilaa.
Guuleed Axmed Dafac