Wadaad Cambaarayn Waayey Weerar Daalibaanku Arday Ku Laayeen Oo Maxkamadi Amar Qabasho ah usoo jartay
Pashawar:Dec,27,2014(SDN/QJ)-Maxkamad Ku Taalla Dalka Pakistan, ayaa soo saartay Amar lagu soo qabanayo Wadaad u janjeedha dhinaca ururka Daliban Oo Lagu Magacaabo Abdul Aziz .
Wadaadkana ayaa iska diiday inuu cambaareeyo Weerar dhawaan ururka Daliban ku layeen Boqolaal Arday oo Iskuul wax ka baranaysay, waxana taasi keentay in mudaharaadayaa ayaamo hor fadhiistaan Masaajidka Wadaadkani gacanta ku hayo.
Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda bulshada ayaa dacwo geeyey maxkamada waxayna sheegeen in ay u cagajugleeyeen shaqaalaha masjidka intii uu socday dibed baxu.
Dadka dibed baxa dhigay ayaa iyaguna la baadhayaa oo waxa loo haystaa in ay dhigeen dibed bax sharci daro ah.
Afhayeen u hadlay masaajidka ayaa sheegay in ay is hortaagi doonaan haddii la isku dayo in la soo xidho wadaadka.
Weli ma cadda in la dhaqan gelin doono warqada loo jaray wadaadka ee lagu soo xidhayo.
Kaddib wixii ka dambeeyey cadhada laga muujiyey weerarka Pashawar, xukuumadda ayaa u muuqata in ay doonayso in ay muujiso in ay daba galayso oo ay talaaba ka qaadayso islaamiyiinta iyo taageerayaashooda.
SDN/QJ