|

Wadaad Baaderi ah oo Doonayay in uu Gubo Kutub Quraan oo xabsiga la dhigay,maxey tahay sababtu?

Folorida Sept 12,2013(SDN)-Baaderi ku nool dalka Mareykanka ayaa xabsiga la dhigay ka dib kolkii la qabtay kiyoo doonaya in uu meel fagaare ah ku gubo 2.998 Kutub oo Quraan ah.

Terry Jones ayaney aheyn markii u horeysay ee uu fal noocan ah ku kaco oo uu gubo kutubyo quraanka kariimka ah.

Wadaadkan ayaa caan noqday sanadii 2010kii mar uu dunida u sheegay in uu meel fagaare ah ku gubi doono Quraanka kariimka ah.

Wadaakan ayaa sheegay in sidaa u sameynayo xuska sanadguuradii ka soo wareegtay weerarkii sepy 11keedii ay Al Qaacida ku qaaday Mareykanka.

Wadaadku waxa uu sheegay in uu kutub u gubayo qof walba oo ku dhintay weerarkii lagu qaaday daarihii dhaadheera ee Mareykanka iyo xarunta difaaca Mareykanka.

Balse Booliska magaalada Mulberry ee gobolka Florida ayaa joojiyay Terry Jones oo 61 jir ah iyo kaaliyihiisa Marvin Sapp oo 44 jir ah iyaga oo ku sii jeeda fagaariaha ay doonayeen in ay kutubta ku gubaan.

Boolisku waxa ay sheegeen in ay ragani kutubta oo ay ku radiyeen shidaal girgiro weyn oo deetana ay doonayeen in ay sidaa ku gubaan.

Arintan ayaa khatari ka dhalan kareysay bulshadana wax yeelo u geysan kareysay ayay yiraahdeen booliska.

Duqa Mulberry iyo siyaasiyiin kale ayaa sheegay in tilaabadani khalad tahay oo september 11 ay tahay maalin la ixtiraamo diin walba.

Si kastaba ha ahaatee wadaadkan Terry Jones ayaa falal hore oo lidi ku ah diinta Islamka waxa ka dhashay dibed baxyo dhimahso sababy oo ka dhacay dalalka Islamka.

Ciidamada Mareykankuna waxa ay hore ugu sheegen in uu joojiyo falalka kicinta ah ee uu ku kaco,waxa ay sheegeen in ay ku keeni karaan ciidamada reer Galbeedka khataro.

SDN-Florida
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed