“Wada Tashi VS Kala Tashi…”-W/Q: Muj. Cali M. Yuusuf (Cali-Gurey)
Khilaafka Somaliland ee u dhexeeya kooxda ugu awooda badan xukuumadda ee uu hogaamiyo wasiirka madaxtooyadu iyo inta leh wax baa inaga qaldan ee mucaarid iyo muxaafid ba leh waxaad moodaa inu ku soo biyo shubanayo aan wada tashano iyo mayee aan kala tashano, sida aynu ka wada dareemi karno hadalada iyo hab dhaqanka wasiirka ugu mudan ama ugu mudnaa golaha xukuumaddu. Aan kala tashano, inta badan, waxa xal mooda shakhsiyaad gole ka maag ah oo u arka in wada tashigu uu ka hor imanayo danahooda gaarka ah.kooxda kala tashiga dan iyo muraad kama laha danta guud ee la wada leeyahay mar hadii ay ka hor imanayso danahooda gaarka ah.
Hadaba, manta marka aynu eegno xaaladda dalka waxa hubaal ah in dantu ay ku jirto midnimo qaran oo loo wada dhan yahay taas oo ku iman karta wada tashi ee aan marna ku iman Karin kala tashi. Kooxda kala tashiga ee wasiirka madaxtooyadu waxay u dhigaan khilaafka iyaga iyo mucaaridku inu yahay “ xukuumadu wax bay qabatay iyo wax ba may qaban” iyada oo xaqiiqdu ay tahay in mucaaridku ay qiraan qiraya yaana wax qabdka xukuumadda lakiin ay leeyihiin kuna dhaliilaan xukuumadda wax yaabaha qaldan ee dastuurka iyo shuruucda dalka na ka soo horjeeda, kuwaas oo hadii aan wax laga qaban keeni kara dhibaatooyin waawayn oo saamayn toos ah ku yeelan kara arimaha nabadgelyada, dhaqaalaha, bulshada.
Marka aynu runta ka sheegno dhibaatooyinka manta halista ku ah geedi socodka qaran dhisku salka dhigteen, kor ilaa hoos na ku dhamays tirmeen sedexdii hayadood ee dhismaha qaranku ka koob mayay( fulin, sharci dejin iyo goarsoor).
Kooxda kala tashiga ee xukuumadu dhaliilaha mucaaridku u soo jeediyo xukuumadda kama hadasho oo madaafacdo, kama garawdo oo ma qirto kaliya waxay:
– si shakhsi yaysan dusha uga fuulaan cidii dhaliisha u soo jeedisay iyaga oo adeegsanaya warbaahinta dawladda sidii ay ku caayi jireen xukuumadihii hore iyo weliba qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banana oy si gaar ah u gunneeyaan
– adeegsadaan dad wax ma garad ah iyo af miishaaro oy yidhaahdaan hebel waxaa dheha oo caaya, Xirsi na waa wasiirka keliya ee xukuumadda ku jira dheha. Mararka qaarkood na haya’do sumad laawe ah iyo ku lacag la siiyay ayaa la yidhaa waxa qabataan munaasibado oo shahaadado na gudoon siiya. Ilaa waxa la gaadhaa inu xirsi yahay kan ugu mudan inta ugu mudan Somaliland. Wasiirka madaxtooyadu waa ninka ugu daran eek u bixiya lacagta ugu badan in warbaahinta laga amaano isaga oon wax lagu amaano mutaysan, lakiin cid iska dhaadhicinaya ama u dhigaya indho sarcaad.
Hadaba, iyadoo sedexdii sanadood ee hore u dhamaatay xukuumadan wuxu madaxwayne Ahmed Silanyo fursad u haystaa in labada sanadood ee u hadhay u ka guuro taladii kooxda kala tashiga ee uu hormoodka u yahay Xirsi wada tashiga na ka dhex bilaabo xukuumadiisa inta caqliga leh daacada na ah oo markan uu kow ka yahay Wasiirkiisa Khaarajiga ee cusub Mudane Maxamed Bixi Yonis oo aan qabo inu wax badan ku soo kordhin karo xukuumadiisa hadii uu ka talo qaato iasga iyo inta kale ee wada tashiga u aragta wadada keliya ee loo mari karo midnimo qaran oo loo wada dhan yahay muxaafid iyo mucaarid
Ugu dambaystii waxan kaga baxayaa: Allahayow xaqa xaq noo tus raacis tiisana nagu hanuuni. Baadilka na baadil noo tus ka dheeraanshahiisa na nagu hanuuni.
Allahayow talada inta noogu khayrka badan noogu dhiib ee inta noogu sharka badan ha noogu dhiibin. Amiin