|

Wada-hadalladii Somaliland iyo Somalia Oo Markale Dib u Curan Doona iyo Wasiir Xirsi Oo Faahfaahiyey Halka Wax Marayaan

Stanbul:Nov,29,2014(SDN/QJ)-Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Somaliland, ayaa Dalka Turkiga ugu amba baxay ugogol-xaadhidda wada-hadallada somaliland iyo Somalia u dhexeeya oo markale la filayo inay Halkaas dib uga furmaan.

wasiir xirsiXubnahan ayaa waxa kamid ah Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Madaxtooyada oo kala horreeyey, waxana Halkaas hore usii joogay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo isagu Toddobaadkii hore halkaas gaadhay.

Shalay waxa Hargeysa ka Ambabaxay wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, kaas oo war uu soo Dhigay Bogga uu Face-book-gga ku  leeyahay ku faahfaahiyey ujeeddada socdaalka uu ku aaday Waddanka Turkiga oo ay hore uga dhaceen Kulamo dhex maray somaliland iyo Somalia, kuwaas oo aanay natiijo la taaban karaa wali kasoo bixin.

Warka qoraalka ah ee Wasiir Xirsi soo dhigay Boggiisa Hore ee uu kaga warramayo safarkiisa iyo halka ay marayaan wada-hadalladu wayaa sidatan u dhignaa:

“Waxaa saacado kooban laga joogaa kadib markaan ka soo duulay Gegada Diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport.

Safarkan oo Insha Allahu qaadan doona Maalmo Kooban ayaan ku tegi doonaa Dalka Turkey-ga , halkaas oo uu igaga sii horeeyo Wasiirka Arrimaha Dibeda Jamhuuriyada Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis.

Ujeedada socdaalkan ayaa ah sidii Gudi ka socota Somaliland iyo kuwo ka socda dalka aanu jaarka nahay ee Somalia ay gogol xaadh uugu sii samayn lahayeen wada hadaladii Somaliland iyo dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo dib u furmi doona isla markaana waxaanu diyaarin doonaa gudidii horay loogu balan sanaa in la sameeyo “Secretariat Team”

Maaha markii uugu horaysay ee ay Somaliland ka qaybgasho madal ay caalamka ku barayso xaqiiqda ka jirta dalka Somaliland balse masuuliyiinta iyo shacabka reer Somaliland waxaa ka go’an in ay xaadiraan goob walba oo ay ku soo dhacsan karaan waxa ay caalamka xaqa uugu leeyihiin oo ah in ay helaan Ictiraaf Caalami ah.

Waxaan Aaminsanahay in safar walba oo aad u dheer uu hal talaabo ka bilaabmo, Safarka ay Somaliland uugu jirto xaqiijinta Himiladeeduna yahay mid guul ku dhaw.”

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed