|

“Wada hadalladani waxa ay u dhaw yihiin inay qaataan billo badan ka hor inta aan laga gaadhin guul” Ambassador David Shinn

Washington 25.Jan 2014 (SDN)- Ambassador David Shinn oo hore maraykanka danjire uga ahaan jiray dalka Itoobiya, ayaa sheegay inay dawladda Turkigu ka tahay daacad wada hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

david shinnAmbassador Shinn oo ah dublomaasi ku xeel-dheer arrimaha Geeska Afrika oo ka hadlayay mar laga wareystey war murtiiyeedkii ka soo baxay shirkii Istanbul, waxa uu sheegay inay dawladda Turkigu tahay dhexdhexaadiyaha ugu habboon maadaama aanay iyadu dani gaar ah ka lahayn arrimaha Soomaalida balse ay si daacad ah gacan uga geysanayso wada hadalka labada dal.

David Shinn oo  wadahadallada Istanbuul la weydiiyay in ay u yihiin guul labada dhinac gaadheen,  waxa uu sheegay  in uu yahay qorshe hawleedka labada dhinac ee wadahadalaya si ay u sii wadaan wada xaajoodkooda. “Waxaanan leeyahay waa u guul Somaliland iyo Soomaaliyaba sababta oo ah  waxa uu labada dhinacba ku heynayaa wadaxaajoodka,”ayuu yidhi Mr. Shinn.

 

David Shinn oo ka jawaabayay su’aal ku saabsan qodobka cambaareynta xasuuqii taliskii milaterigu ka geystay Somaliland ka hor 1991, waxa uu sheegay inuu qodobkaasi cambaareynayo falalkii ay geysatay dawladdii Siyaad Barre, balse aanu u muuqan mid loola jeedo in lagu dabbaqo dawladihii ka dambeeyay ee Soomaaliya.

Isaga oo ka hadlaya war saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga sida uu dhex ugu yahay labada dhinac, waxa uu yidhi “Waxa aan filayaa in ay wasaaradda arrimaha dibada taasi u tahay mid Turkigu ku raadinayo inuu ka ciyaaro door dhexdhexaad ah, isla markaana uu ku ahaado dhexdhexaadiye gacan buuxda ka geysanaya. Umana arko rabitaan kale oo gudaha ah”.

Wareysigan oo uu Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Somalilandsun la yeeshay Ambassador Shinn waxa kale oo lagu weydiiyay saadaashiisa muddada wada hadalladu socon doonaan iyo waxa ay noqon karto kaalinta beesha caalamku ka qaadan karto.

“Wada hadalladani waxa ay u dhaw yihiin inay qaataan billo badan ka hor inta aan laga gaadhin guul arrimo la taaban karo. Dhinacyadu waxa ay ku gaadheen Istanbul in lagu magacaabo Guddi maamula duulista hawada 45 cisho. Haddii tani dhacdo oo la sameeyo guddi hawada maamusha oo wax ku ool ah, waxa ay u noqon doontaa tusaale muhiim ah in laga gaadhi karayo horumar la taaban karo. Waxa loo baahan yahay tallaabooyin badan oo  noocan ah in la qaado oo faa’iido u leh labada dhinacba, waxaanay tani ka  abuureysaa kalsooni  Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi Mr Shinn.

 

Ambassador David Shinn waxa uu intaa raaciyay, Turkigu waxa uu dadaalkani si wax ku ool ah ugu matalaa beesha caalamka. Haddii uu guul darreystana, ma arko xubin kale oo beesha caalamka ah oo si dhaqso ah iskugu deyeysa inay beddesho Turkiga.

Washington SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed