Wada Hadaladii u dhexeeyay Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo oo Isku Cakiran, Baadi Doonka Cid u dhaxaysa,& Midhaha ka soo baxaya oo Noqon doona In Lagu Heshiiyo in Dib loo Shiro
Addis Ababa, 19 December 2016 (SDN/QJ): – Wada hadaladii Somaliland iyo Khaatumo, ayaa Galaya Maanta Maalintii Sadexaad oo ay si Xidhiidh ah uga Socdaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Muu Jirin Wax War ah oo Labada Dhinac ee Wada Xaajoodku u dhexeeyo Midkoodna ka soo baxay,Hasa yeeshee Ilo lagu Kalsoon yahay ayaa Qurbejoog u sheegay in Xaalda wada hadaladu ay u Muuqdaan Kuwo Cakiran oo la is Mari la’ yahay.
Ilaa hada sida ay Tibaaxuhu sheegayaan ma Jiro Qodobo cad oo labada dhinac ka wada arrinsanayaan iyadoo ergada ka socota dhinaca Khaatumo ay bedka soo dhigeen Qodob sheegaya inay Muhiim tahay Sidii ay labada dhinac u heli lahaayeen Cid Dhex dhexaadisa,Hasa yeeshee Weftiga Somaliland ayaa Qodobkaas ka biyo diiday kuna dooday inaanay jirin sabab keenaysa baahida loo qabo dhinac saddexaad, maadaama oo aan waxba la isla diidanayn.
Ilaa iyo hada Sida ay Saadaashu Muujinayso Way adag tahay in Shirkaas laba geesoodka ah ay wax natiijo ahi ka soo baxdo aan ka ahayn Waxaa Lagu Heshiiyey in Dib loo Shiro.