|

Wada hadaladii Suuriya oo la hakiyay iyo Qayb ka Mid ah Mucaaridka oo Diiday ka qayb galka Shirkaas

Hargaysa 4. February,2016(SDN/QJ):- Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in si ku meel gaar ah loo joojiyo wadahadaladii ka socday Geneva, ee looga gol lahaa in lagu soo afjaro dagaalka Suuriya.

SuuriyaErgeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku adkeysanaya heshiiska wada-xaajoodka Geneva, in uusan guuldareysan, dibna loo furayo 25-ka bisha February.

Laakiin waxa uu sheegay in loo baahan yahay in labada dhincba ay sameeyaan dadaalo dheeraad ah.

Qeyb muhiim ah oo ka mid garabka mucaaradka, ayaa diiday in ay ka qeybgalaan wadahadalada.

Waxa ay dalbanayaan Ruushka oo xulufo la ah dowladda Suuriya, in uu joojiyo duqeymaha, sidoo kalana go’doominta ka qaado goobaha ay falaagada gacanta ku hayso.

Comments are closed