|

“Wada-hadal In Lagu Dhameeyo Khilaafka Waan Soo Dhaweynayaa, Laakiin Waa Inaan Shirka..” Xildhibaan Maxamed Xuseen Xaaji Ciise

Hargaysa 02.Nov 2015 (SDN/QJ ) –Xildhibaan Maxamed Xuseen  Xaaji Ciise oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiiladda,  ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo wada hadal  lagu dhammeeyo khilaafka xisbul xaakimka KULMIYE, hase yeeshee waxa uu ku baaqay inaan shirkaasi Golaha Dhexe dib loo dhigin.

 

???????????????????????????????Xildhibaan Maxamed  Xuseen , ayaa waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo in wada hadal lagu dhammeeyo wixii tabasho ah ee la xidhiidha shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee la filayo inuu qabsoomo 10-ka Bishan November.

“Arrinta Kulmiye way wanaagsan tahay in wada hadal lagu dhammeeyo, laakiin sida ay u muuqato waxa aad moodaa qoladii Wasiirrada ahaa ee is casilay waxa ay ka soo horjeedaan murashaxnimadda Muuse Biixi Cabdi mar walbana raali kama  aha inay aqbalaan Muuse oo murashax ah. Markaa  macnahoodu waxa weeye haddii uu murrashax noqdo ma aqbalayno,  markaa waxay ku wada socdeen kooxdan Wasiirrada ahaa in Muuse dhinac laga wada maro oo sidaa ku soo baxaan waxaana aad moodaa in maanta aanay  soconayn arrintaasi. Taasina waxa ay keenaysaa in tanaasulaad iyo waanwaan ay meesha keenaan in aanay suurogal ahayn ayay u muuqataa waxa ay doonayaan oo kaliya in wakhtiga ku dheereeyaan si shirka dib  loogu dhigo,”Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Xuseen.

 

Xildhibaanku waxa uu soo jeediyay in aan shirka Golaha dhexe dib loo dhigin, oo xilligii loo muddeeyay la qabto. “Khalad weyn oo siyaasiya ayay galeen Wasiirradii is casilay waxay  isa lahaayeen madaxweynaha ku cadaadiya oo xukuumadda gilgila. Waanay ku fashilmeen madaxweynuhuna tallaabadii uu qaaday waxa ay ahayd wixii looga bartay  madaxweynaha waayo reer Somaliland  oo dhan shaqo ayay u baahan yihiin xilalkii ay baneeyeenna waxa loo helayaa kumanaan ka aqoon iyo waayo-arragnimo badan,”Ayuu yidhi Maxamed Xuseen Xaaji Ciise.

Comments are closed