Wada hadal hoose & gorgortan u bilowday Madaxweynaha Koonfur galbeed & kooxda ololaha Xasan Sheekh
Muqdisho 17. January 2017 (SDN/QJ):- Warar laga laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxda madaxweyne Xasan Shiikh u qaabilsan ololaha doorashada ay wadahadalo hoose la fureen madaxweynaha koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Sida warku sheegayo wadahadaladan ayaa yimid ka dib markii madaxweyne Xasan uu soo fuulay culeys la xiriira codadka xildhibaanada taageersan oo sii yaraanaya, waxaana taas la dareemay markii doorashada looga guuleystay saaxiibkiis Faarax Shiikh C/qaadir oo isku soo taagay xilka gudoomiye kuxigeenka baarlamanka.
Guul darada Faarax ayaa si weyn loo aaminsan yahay inuu ka qeyb qaatay Shariif Xasan oo ka careysnaa doorashada uu ku soo baxay gudoomiye Jawaari oo isaga ka reebtay inuu u tartamo doorashada madaxweynaha, iyadoo Shariifku uu taageerayaal badan ku leeyahay baarlamanka.
Sidoo kale dhalinyarada cusub ee ku soo biirtay baarlamanka oo qaarkood la rumeysan yahay iney markii hore baarlamanka ku soo galeen garab ay madaxtooyada ka heleen ayaa bedelay fekerkooda, iyagoo doonaya iney codadkooda u adeegsadaan isbedel lagu sameeyo madaxda dowlada.
Xildhibaanada, ayaa ku kala feker duwan murashaxiinta u taagan madaxtinimada dalka, waxayna caqabad ku noqon kartaa qorshaha uu Madaxweynuhu ku doonayo kalsoonida Xildhibaanada.
Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la sheegay in markii uu ogaaday arrimahan uu go’aansaday inuu wadahadalo la galo shariif Xasan si uu u helo codadka xildhibaanada taageersan, waxaana taas bedelkeed jira balan-qaadyo la xiriira jagooyin sare oo la siinayo taageerayaasha shariifka haddii uu guuleysto Xasan Shiikh.
Wadahadalada ayaa socda weli iyadoo wax natiijo ah aysan ka soo bixin illaa hadda.
Waxaa la rumeysan yahay in Xasan Shiikh uu loolanka ugu adag kala kulmi doono murashaxiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, C/qaadir Cosoble, Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) iyo Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.