|

Wacdaro Dunida Laga Hadal Hayo Oo Madaxweyne Obama Iyo Xaaskiisa Ka Qabsday Booqasho ay Boqorka Cusub Ee Sucuudiga Ugu Tageen

Riyad:Jan,29,2015(SDN/QJ)-Inta badan Waxa Warbaahinta dunidu hadal haysaa Dhacdo shalay Madaxweynaha Dalka Maraykanka iyo Xaaskiisa ka qabsatay booqasho ay ugu tageen Boqorka Cusub ee dalka Sucuudiga Boqol Salmaan oo dhawaan uun xilkaas la wareegay.

dhaarsFaallooyinka warbaahinta ee maanta, ayaa waxa kasoo muuqday Sawirrada Madaxweynaha Maraykanka iyo Xaaskiisa oo Boqorkaasi kala kulmay arrimo aanay ka filaynin oo ay ugu weyndayd inuu Boqorku si kedis ah uga dhaqaaqay Goobtii lagu soo dhaweynayey, markii loo sheegay in salaadii la gaadhay.

Boqor Salmaan Bin Cabdil Casiis ayaa si kadis ah u joojiyay qaabilaadda ama soo dhawaynta madaxwaynaha dalka maraykanka oo booqasho ugu yimi qasrigiisa magaalada Riyad ee caasimadda dalka Sucuudiga.

Boqor Salmaan oo hortaagan Madaxwaynaha iyo Xaaskiisa ayaa waxa uu si dhakhso ah ugu dhaqaaqay dhinaca Cibaadada isagoo u sheegay Obama iyo waftigiisa in uu salaadda dabadeeda kusoo laaban doono.

Sidoo kale, Warbaahintu waxa ay qortay in Boqor Salmaan Bin Cabdil Casiis iyo Mas’uuliyiintii wafdiga la soo dhaweyneysay ay diideen inay salaamaan Marwada Obama oo xiligaasi gacan usoo taagtay waxa ayna arrintaasi durbadiiba bedeshay dabeecada xaaska Obama oo aan aqoon buuxda u laheyn in Siyaasiyiinta dalkaasi Sacuudiga aysan qaabilin dumarka ama aysan salaamin.

Waxyaabaha kale ee Xaaska Madaxweynaha  Boqorku ku diiday, ayaa waxa ugu weynayd inay Xaasku iska timo qaaweynayd oo aanay soo xidhan wax timaheeda asturaya, taas oo keentay inuu boqorku indhihiisa siin waayo haweenay Madaxeedu aanu asturnayn.

Obama iyo Marwadiisa kuma aanay faraxsaneyn Booqashadooda dalka Sacuudiga, iyagoo xiligaasi ka soo baqoolay dalka India oo ay dareemayeen xoriyad buuxda.

Boqorka Cusub ee dalka sucuudiga ayaa la sheegay inuu si weyn uga duwan yahay midkii ka horreeyey marka loo eego xagga diinta iyo ku dhaqankeeda, waxana laga dhex arkaa inuu muujinayo sida uu  hoggaamiyaha ugu yahay dhammaanba umadda  islaamka oo uu joogo Goobihii barakaysnaa ee Muslimiintu kusoo hiranayeen.

 

 SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed