Waaxda Xog raadinta Baadhista Xasuuqii Somaliland oo Ka Hadlay Xabaal Wadareedyo Meelo kala duwan oo Somaliland ah laga helay
Hargaysa 18.Aug 2016 (SDN/QJ):- Agaasimaha Waaxda Kaydka iy o raadinta Xogta ee Guddiga Baadhista Xasuuqa ee Somaliland Mudane Cabdirashiid maxamed Daahir oo Warbaahinta Dawladda xafiiskiisa ugu waramayay ayaa ka warbixiyay Koormeer ay sedex Kooxood (three Teams)oo uu Hogaaminayo bishan Ogost ay ku soo mareen Deegaanada Ceelafweyn ,Ceerigaabo ,Togdheer iyo Saaxil .
Mudane Cabdirashiid maxamed Daahir waxa uu sheegay in Kormeer iyo Baadhitaan ay ku soo sameeyeen Raadadka Goobo lagu Xasuuqay dad rayid Kaas oo ay Gaysteen Ciidamadii Taliskii Siyaad Bare, waxaanu si gaar ah u dul istaagay Goob ku taala Agagaarka Huteelka City Plaza ee Magaalada Burco Sannadkii 1984kii halkaas oo laga helay 43 Qof oo rayid ah oo loo sameeyay 5 Xabaal Wadareed Halka uu dhinaca kalena Sheegay inay Jiraan 12 xabaal Wadareed oo laga helay Magaalada Berbera,Isla markaana Falalkaas Xasuuqi ay dhaceen sanadadii 1988 ilaa 1991kii laguna Bartilmaameedsaday dad gaar ah oo aan waxba galabsan .
Ugu danbeyn waxa uu Agaasime Abdirashiid Waxa uu u mahadceliyay Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland mudane Dr Sacad Cali shire oo isagu lahaa dhiirigelinta Hawshan ay Sedexda Kooxood soo Sahamiyeen Kuwaasi oo ay kasoo qabteen Degmooyinka iyo Goboladda dalka.
Agaasimuhu Waxa uu Fariinu diray Badhasaabyadda iyo Maayaradda dalka inay ilaaliyaan Goobahaasi Xabaalo wadareedyadda ah ee ku yaala deegaanadooda.